Connect with us

somalilandtoday.com

Milatariga Uganda Oo Raalli-gelin Ka Bixiyay Suxufi Ay Garaaceen

focus

Milatariga Uganda Oo Raalli-gelin Ka Bixiyay Suxufi Ay Garaaceen

Ciidamada Milatariga Uganda oo si dhif iyo naadir ah raalli gelin u bixiya ayaa sheegay in ay ka xun yihiin falka ay ciidamo ka tirsan Milatariga, iyadoo muuqaal laga duubayo, ku garaaceen wariye tabinayay mudaharaad isniintii looga soo hor jeeday xariga Xildhibaan Bobi Wine.

Suxufiyiin kale ayaa iyagana la garaacay xilli ay warar ka tabinayeen dibadbaxyada lagu taageerayay siyaasiga ka tirsan baarlamaanka ee horayna u ahaa fannaanka iyo jilaaga.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Milatariga ayaa lagu sheegay in falkaas uu ahaa mid “shaqo wanaag aan ku saleysneyn”, waxayna sheegeen in la soo xiri doono askartaas.

Dalka Uganda ayaa waxaa ka billowday qalalaase siyaasadeed ka dib markii isbuucii la soo dhaafay xabsiga loo taxaabay Bobi Wine iyo afar xildhibaan oo kale.

Wine oo si weyn loogu yaqaannay fanka ka hor inta aan si madax bannaan loogu dooranin xildhibaannimada sannadkii la soo dhaafay, ayaa hor kacayay dhaqdhaqaaqa ay suurta galka tahay in uu ahaa kii abid ugu weynaa ee ay sameeyaan dhallinyarada, kaasoo looga soo hor jeedo madaxweyne Yoweri Museveni, sida ay sheegtay wariyaha BBC-da Catherine Byaruhanga.

Rabshadaha ka dhacay UgandaLahaanshaha sawirkaAFPImage captionRabshadaha ka dhacay Uganda

Inta badan dadka hadda ku nool dalka Uganda ma aysan dhalanin waqtiga uu Mr Museveni xilka madaxweyne qabsaday sannadkii 1986-kii.

Dhawaan hay’adda xuquuqda aadahana ee Human Rights Watch ee uu fadhigeedu yahay magaalada New York ayaa ugu baaqday booliska iyo Milatariga Uganda in ay joojiyaan weerarrada loo geysanayo saxaafadda ayna xaq dhowraan xuquuqda dhammaan mudaharaadeyaasha.

Muuqaal la iskula wadaagay internet-ka ayaa lagu arkayay wariyaha ka tirsan wakaaladda wararka Reuters ee lagu magacaabo James Akena oo ay ulo la dhacayaan labo askari xilli ay ku sugnaaayeen mid ka mid ah waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Kampala.

Garaacitaanka ayaa lagu sii waday Mr Akena xitaa isagoo gacmaha kor u taagay oo jilbaha dhulka dhigtay.

“Dhaqanka booliska ama ciidamada ammaanka waligiis sidaan ma uusan noqonin, marka way adag tahay in la sheego sababta ay markaan waxaas u sameynayaan,” Mr Akena ayaa sidaas u sheegay barnaamijka BBC Focus on Africa ee raadiyaha.

Maalintii Isniinta, hal ruux ayaa la dilay halka 100 kalena xabsiga loo taxaabay.

Usbuuci la soo dhaafay, labo wariye ayaa la xiray iyagoo si toos ah war uga soo tabinaya magaalada Waqooyiga ku taalla ee Arua, halkaasoo darawalkii Wine lagu dilay intii ay socotay doorashada ku celiska ah ee sida qaraar loogu loollmayay ee uu ku guuleystay mid ka mid ah xulafada xildhibaan Wine oo lagu magacaabo Kassiano Wadri.

Bobi Wine, Heesaa iyo siyaasiLahaanshaha sawirkaAFPImage captionBobi Wine, Heesaa iyo siyaasi

Human Rights Watch ayaa sheegtay in garaacista iyo xarigga suxufiyiinta ay caddeyn u tahay sida ay masuuliyiinta Uganda u doonayaan in ay u daboolaan hab dhaqanka ciidamada ammaanka.

Qoraalka ka soo baxay saraakiisha taliska Milatariga ayaa lagu sheegay in u ay diyaar u yihiin iskaashi ay la sameeyaan wariyeyaasha.

Wine oo uu magaciisa rasmiga ah yahay Robert Kyagulanyi, ayaa wali ku jira xabsiga isagoo la filayo in uu khamiista ka soo hor muuqdo maxkamad Milatari oo uu ku waji doono dacwado la xiriira inuu haystay hub sharci darro ah.

Qoyskiisa ayaa ku andacooday in waxyeello ba’an oo jirdil ah loogu geystay xabsiga, balse milatariga oo gacanta ku haya xildhibaanka ayaa beeniyay arrintaas.

Madaxweyne Museveni ayaa gaashaanka u daruuray warar sheegaya in Wine uu la il daranyahay dhaawacyo culus, wuxuuna ku tilmaamay “war been abuur ah”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top