Connect with us

somalilandtoday.com

“Madaxweynaha Waxaan Leeyahay Haddii Ay Hanjabaad Wax Ku Soconayaan Siyaad Barre Ayaa…” Madaxwayne Biixi Oo Looga Digay In Uu Awood U Isticmaalo Jabhada Caarre

focus

“Madaxweynaha Waxaan Leeyahay Haddii Ay Hanjabaad Wax Ku Soconayaan Siyaad Barre Ayaa…” Madaxwayne Biixi Oo Looga Digay In Uu Awood U Isticmaalo Jabhada Caarre

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Xoog) oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland ayaa madaxweyne Muuse Biixi uga digay, in uu awood u isticmaalo soo af-jaridda jabhadda hubaysan ee ka as’aasantay gobolka Sanaag,taasoo uu hoggaamiyo Korneyl. Siciid Cawil Jaamac(Caarre) oo hore uga goostay militariga Somaliland.

Xildhibaan xoog wuxuu xukuumadda Muuse Biixi ku eedeeyay, in ay shaqo ka dhigatay dig-dig iyo hanjabaad aan soconayn oo ay ku wajahayso, dadka mucaaradsan maamulka haatan ka jira Somaliland iyo sidoo kale dadka tabashooyinka qaba,halkii laga rabay in ay isu-soodhoweyn iyo xal-nabadeed wax ku raadiso,sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa rajo xumo ka muujiyay xaaladda gobolka Sanaag ee ay ka as’aasantay jabhadda Caarre, isagoo sheegay in gobolku u muuqdo mid faraha ka sii baxaya, haddii aan xal laga raadin saraakiisha hoggoaaminaysa jabhadda,islamarkaana wax laga qaban tabashooyinka beelaha halkaas degaa ka qabaan maamulka Muuse Biixi.

“Madaxweyne waxaan leeyahay wax walba oo ay dadku tabanayaan wax ka qabo, digdig iyo hanjabadi haddii ay wax ku soconayaan dawladdii Siyaad Barre ayaa ku socon lahayd, waxaad mooda in Gobolka Sanaag oo ah Gobolka ugu weyn dalka inuu faraha ka sii baxayo”,ayuu yidhi xildhibaanku.

Xildhibaan Xoog isagoo hadalkiisa sii wata ayuu raaciyay” waxaan ku talin lahaa inuu Madaxweynuhu dadka nabada ehelka u ah ee Dawladda, sida Golaha Wasiiradda, Golaha Barlamaanka ee Guurti iyo Wakiilo leh iyo Axsaabta Qaranka,inuu la kaashado arintan tabashada dhinaca Ciidanku wey taagan tahay,sidoo kale waxaan leeyahay Madaxweyne, umadda adiga ayaa Madaxweyne u wada ah ee isku soo dhawee, oo ka tali wanaagooda iyo wada jirkooda”

Dhinaca kale xildhibaanka ayaa ka hadlay,qabyaalad iyo eex uu sheegay in ay ka dhex jirto xukuumadda Muuse Biixi,taasoo uu ku tilmaamay sababta ugu weyn ee kala qeybisay ciidamada Somaliland,islamarkaana ay ka abuurantay jabhadda Korneyl Caarre ka as’aasay gobolka Sanaag ee la baxday Xoraynta Somaliland.

“Qabyaalada oo si khaldan loo isticmaala, waa wax aad u xun, qabyaaladuna inay dadka kala fogayso mooye dadka iskuma soo dhawenayso, in Ciidanka Qabyaaladu gashana, waa wax aad fool xun. Korneeladan baxaya waxbay tabanayaan, Ciidamada oo loo baahan yahay inay mar walba isku duubnadan ma wanaagsana inay qabyaalada iyo gobolaysigu soo dhex galaan”ayuu yidhi xildhibaan Xoog.

Jabhadda uu gobolka Sanaag ka as’aasay Korneyl.Siciid Cawil Jaamac(Caarre) oo ka kooban saraakiil ka goostay militariga Somaliland iyo malayshiyo-beeleed ku biiray ayaa maalmahan dambe dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadday qeybo kamid ah gobolka Sanaag,waxaana ay saraakiisha hoggaaminaya maalmo ka hor sheegeen in Puntland ay saldhigyo ciidan siisay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top