Connect with us

somalilandtoday.com

Israa’iil Oo Ansixisay In Guryo Hor Leh Laga Dhiso Dhulka La Haysto

focus

Israa’iil Oo Ansixisay In Guryo Hor Leh Laga Dhiso Dhulka La Haysto

(SLT-Adam)-Israa’iilayaa sii xoojisay qorsheyaasha ay dadka Yuhuudda ah ugu dhisayso 1,000 guri oo cusub oo laga hirgalinayo Daanta Galbeed ee la haysto.

Ruqsadda kama dambaysta ah ee dhismaha guryaha lagu billaabi karo ayaa la siiyay 382 guri, kuwa kalana waxaa waddada loo xaaray wajiyada hore ee qorshaynta.

Hay’addaha aan dawliga ahayn ee Peace Now ayaa sheegtay in guryahaas badankood loo dhisi doono bulshooyinka ay u badan tahay in loo soo daad gureeyo heshiis lala galo Falastiiniyiinta.

Deegaamayntan ayaa sharci darro ah marka la fiiriyo shuruucda caalamiga ah, inkastoo Israa’iil ay arrintaas muran ka keentay.

In kabadan 600,000 oo Yuhuud ah ayaa ku nool 140 deegaan oo la dhisay tan iyo markii ay Israa’iil qabsatay Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus sannadkii 1967-dii, Falastiiniyiinta ayaana sheegta in deegaankaasi uu yahay dhulka ay yeelan doonto dawladda ay mustaqbalka yeelan doonaan.

Waxaa jira 100 goobood oo yaryar oo kale oo ay dadku ka dhisteen Daanta Galbeed iyadoo aan fasax laga haysanin dawladda Israa’iil.
Peace Now ayaa sheegtay in 370 ka mid ah guryaha la siiyay ruqsadda laga dhisi doono aagga Adam, halkaas oo qof Israa’iili ah lagu dilay isaga oo la tooriyeeyay, labo qof oo kale oo Falastiiniyiin ah ayaana lagu dhaawacay bishii hore.

Wasiirka difaaca ee Israa’iil Avigdor Lieberman ayaa ballan qaaday in uu dhisi doono 400 oo dhisme – arrintaas oo jawaab u ah weerarkaas.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top