Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidammada Somaliland Oo Qabtay Wasiirro Ka Tirsana Maamulkii Cabdi Iley Oo Baxsad Ku Soo Galay Hargeysa

focus

Ciidammada Somaliland Oo Qabtay Wasiirro Ka Tirsana Maamulkii Cabdi Iley Oo Baxsad Ku Soo Galay Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Ciidammada ammaanka ee Somaliland ayaa gagida diyaaradaha ee Hargeysa ka qabtay labo wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar, Sida uu BBC u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Labadan wasiir ayaa kala ah wasiirkii hore ee waxbarashada Ibraahim Aadan Mahad oo ku magac dheer Ibraahim Sacab iyo wasiirkii caddaaladda Cabdi Jamaal Axmed Qaloonbi.

Sarkaalkaas ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay in labada wasiir loo haysto in ay si dhuumasho ah ku soo galeen iyaga oon dal ku gal wadanin, isla markaasna ay rabeen in ay garoonka ugu duulaan si dhuumasho ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top