Connect with us

somalilandtoday.com

MARAYKANKA: Boqoradda Quruxda Oo Loo Maxkamadeynayo Dilka Ninkeeda

focus

MARAYKANKA: Boqoradda Quruxda Oo Loo Maxkamadeynayo Dilka Ninkeeda

(SLT-Hargeysa)-Markii ay haweeneydan xilli ahaan jirtay boqoradda quruxda isbuucaan soo gasho maxkamadda, waxaa soo afjarmi doona sugitaan waqti dheer qaatay oo ay dacwaddaan ka dhur sugayeen qaraabada ninkeedii hore ee maal qabeenka ahaa, kaasoo geeriyooday ka dib markii waddo lagu toorriyeeyay.

Xidhiidhkii jacalka ee Áurea Vázquez Rijos iyo Adam Joel Anhang ayaa socday waqti aad u kooban wuxuuna isku baddalay is qab-qabsi.

Hadda, ku dhawaad 13 sano markii ay ka soo wareegtay dilkiisa ayay maxkamad shacbi oo ku taalla Mareykanka go’aan ka gaadhi doontaa kiiska la xidhiidha boqoradda hore ee quruxda oo ka soo jeedda Puerto Rico.

Anhang oo u dhashay dalka Canada ayaa ahaa maal qabeen ka taajiray ciyaaraha online-ka ee dhinaca internet-ka, waxaana la dilay kaliya lix bilood markii laga joogay guurka isaga iyo haweeneydaas la tuhunsan yahay.

Dhageysiga dacwaddaan ayaa isbuucaan billaabanaysa, ka dib markii si aan caadi ahayn ay kiiskan ugu lug yeesheen dalal ay ka mid tahay Spain oo ay haweeneydaan ku dhuumaaleysaneysay.

Aabaha dhalay ninkeedi dhintay ayaa adeegsaday dambi baareyaal gaar ah, si ay Ms Vázquez uga raadiyaan gudaha dalka Talyaaniga.

Horay ayaa dilka ninkaas loogu xiray nin aan waxba galabsannin oo goor dambena la sii daayay.

“Waxay raadinteeda nagu qaadatay shan sano, juhdi badan ayaana ku bixinnay, sidaas oo ay tahayna dhaqso laguma helin, way ogaatay in la doon doonayo wayna sii dhuumaaleysaneysay,” waxaa sidaas BBC-da ku yiri Abe Anhang, xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla Winnipeg, Canada.

Anhang oo ay da’diisu ahayd 32 sano ayaa ka mid ahaa dadka milyaneerrada ah ee dhaqaalaha badan ka sameeyay dhinaca internet-ka, ka hor inta aan la dilin bishii Siteembar ee sannadkii 2005-tii.

Dilkiisa oo loo adeegsaday toorrey, ayaa ka dhacay waddo ku taalla magaalada Puerto Rican ee caasimadda u ah gobolka San Juan.

Guurkoodu ma raaginLahaanshaha sawirkaHANDOUTImage captionGuurkoodu ma raagin

Baaritaanka dilka ninkeeda

Markii ugu horreysay waxaa dhacdada loo soo tabiyay in ay ahayd dhac loo geysanayay lamaanahan oo dil isku baddalay, isla markaana uu dhaawac ka soo gaaray Ms Vázquez Rijos laftigeeda.

Weerarkaas ayaa waxaa fuliyay nin aan waqti xaadirkaas heybtiisa la aqoonsannin.

Hase ahaatee kooxda dacwad soo oogeyaasha ah ayaa markii dambe sheegay in Mr Anhang uu damacsanaa in uu xaaskiisa kula kulmo meel maqaaxi ah si ay uga wada hadlaan furrinkooda maadaama ay isku dhacsanaayeen, ka dibna uu ku dhacay dabin loo sii diyaariyay oo ay maleegtay haweeneyda qudheeda.

Ms Vázquez Rijos oo lagu eedeynayo dilka ayaa ogeyd mar haddii ay si nabad ah isku furaan ninkeeda in aysan wax fiican ka heli doonin lacagtiisa oo lagu qiyaasay iney markaas ahayd $24m (£19m), taasoo markii ay is guursanayeen uu u saxiixay in ay ka dhaxasho.

Labo sano ka dib dhacdadaas, Jonathan Román Rivera oo ahaa shaqaale ka tirsan maqaaxi u dhaweyd goobta uu dilka ka dhacay ayaa lagu helay dambi ah in uu dilay Anhang xilli uu isku dayayay in uu dhac u geysto.

Go’aanka dacwaddaas ayaa dib loogu noqday, ka dib markii ay maxkamadda Mareykanka ee ninkaas la saaray soo istaagtay haweeney markhaati ah oo caddeysay sida uu dilka u dhacay.

Haweeneyda marag furaysay ayaa sheegtay in ninka wax dilay uu adeegsaday dhagax iyo middi, ka dibna uu la hadlay Ms Vázquez, uuna weerar fudud oo u ekaa mid lagu heshiiyay ku qaaday iyada.

Sannadkii 2008-dii ayaa Ms Vázquez lagu soo oogay dacwad la xiriirta in ay qof u kireysay inuu wax dilo ka dib markii uu nin maxkamadda ka hor qirtay inuu dilkaas geystay.

Ninkaas oo lagu magacaabo Alex “El Loco” Pabón Colón ayaa sheegay in haweeneydaan ay u ballan qaaday lacag dhan $3 milyan haddii uu dilkaas fuliyo.

Balse Ms Vázquez ayaa sannadkii 2006-dii ka baxsatay dalka Mareykanka waxayna tagtay waddanka Talyaaniga, halkaasoo ay fileysay in aan lagu qaadi karin isla dacwaddaas.

Haweeneydan ayaa Talyaaniga ku guursatay nin darwal Taxi ah kaasoo ay isku dhaleen labo carruur ah oo gabdho ah.

Muddo yar ka dib waxay ogaatay in si weyn looga raadinayo Puerto Rico.

Lamaanaha ayaa goor dambe is furay waxaana uu ninka talyaaniga u dhashay la wareegay carruurta.

Soo qabashadeedi

Dadaallo badan oo ay iska kaashadeen qoyska ninka la dilay, dowladaha Mareykanka iyo Spain ayaa lagu suurto galiyey in la soo xiro haweeneydaas.

Intii la raadinayay ayay isku martay meelo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Gibraltar, Spain, Fransiiska iyo Ingiriiska.

Anhang wuxuu ahaa nin aad u safri jirayLahaanshaha sawirkaSAWIR QOYSKA LAGA HELAYImage captionAnhang wuxuu ahaa nin aad u safri jiray

Hay’adda FBI-da Mareykanka iyo booliska dalka Spain ayaa ka shaqeeyay howl gal dabin loogu dhigayo haweeneydaas si loo soo qabto.

Mas’uuliyiinta laamaha ammaanka ee Spain ayaa u diyaariyay qorshe ay casuumaad ugu fidiyeen in ay ku tagto magaalada Madrid iyagoo iska dhigayay shirkad ka rabta in ay uga shaqeyso dhinaca dalxiiska.

Ms Vázquez oo si fiican ugu dhacday dabinka ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Madrid.

Intii ay ku jirtay xabsiga Spain gudihiisa ayay ku yeelatay uur oo ay cunug ku dhashay.

Ilo wareedyo ay BBC-da ka heshay saraakiisha booliska Spain ayaa sheegay in cunugaas uu dhalay nin Talyaaniga u dhashay oo muddo kooban u xirnaa xukun loogu riday inuu daroogada ka ganacsan jiray.

.Lahaanshaha sawirkaRAMÓN ‘TONITO’ ZAYAS / GFR MEDIAImage caption.

Waxaa loo oggolaaday in ay xabsiga dhexdiisa ku guursato ninkaas, iyadoo garsoore ka tirsan maxkamad ku taalla Madrid ka codsatay in aan loo gacan gelinin Mareykanka maadaama ay tahay hooyo dhashay cunug Spanish ah.

Ugu dambeyn waxaa sannadkii 2015-kii si qarsoodi ah loogu dhoofiyay dalka Mareykanka iyadoo lagu qaaday diyaarad ay leeyihiin FBI-da.

Dacwad oogeyaasha ayaa saxiixay dhaar qoraal ah oo ay u saxiixeen maamulayaasha Spain, taasoo ah in aysan dalban doonin ciqaab dil ah, waana shardigaas kan loogu dhoofiyey Maraykanka.

Qoyska uu ka soo jeedo ninka dilkiisa loo heysto haweeneydaan oo uu ugu horreeyo aabihiis Mr Anhang Sr ayaa aaminsan in muddo dheer ka dib ay hadda caddaalad u heli doonaan wiilkooda.

Source: BBC

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top