Connect with us

somalilandtoday.com

Qeybo Ka Mid Ah Soomaaliya Oo Maanta Ay U Tahay Maalintii Koowaad Ee Ciidul-Axda

focus

Qeybo Ka Mid Ah Soomaaliya Oo Maanta Ay U Tahay Maalintii Koowaad Ee Ciidul-Axda

(SLT-Guri-Ceel)-Wararka naga soo gaadhay degmooyinka Dhuusa-Mareeb iyo Guri-Ceel ayaa sheegaya in maanta ay u tahay maalintii koowaad ee Ciidul-Axda oo siweyn looga dabaal-degay guud ahaanba dunida muslim-ka maalintii shalay.

Wariye ku sugan degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud oo la hadlay Hiiraan Online laakiin magaciisa codsaday in aan la shaacin ayaa sheegay in qeybo badan oo ka mid ah deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Galmudug aan laga ciidin maalintii shalay, hasse ahaatee maanta oo arbaco ah leysugu soo baxay Masaajidda waaweyn si loogu Ooga Salaada Ciidda.

Wariyaha ayaa intaa ku daray inay jiraan qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaannada Galmudug oo hoos ula ciiday maalintii shalay qeybaha kale ee muslimiinta, iyaga oo dhinaca kalana ka cabsi qaba maamulka ka jira deegaan-ka oo shalay ay u aheyd maalinta Sagaalaad bisha Carrafo.

Masaajidada ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ayaa saaka laga maq-layay Takbiirta, iyadoo lagu dukaday salaada Ciidda, waxaana dadka tukashada Salaada kala qeyb-galay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan.

Deegaannada gobollada dhexe gaar ahaa gobolka Galguduud ma’aha wax cusub in ay ku Khilaafaan dad intiisa kale munaasabadaha waa-weyn ee Ciidda, iyaga cus-kanaya kaliya in lagu go’aan qaadan karo aragtida bisha.

Source: Hiiraan Online

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top