Connect with us

somalilandtoday.com

Donald Trump Oo Ka Xumaaday Dambiga Lagu Helay Madaxii Hore Ee Ololihiisii Doorashada

focus

Donald Trump Oo Ka Xumaaday Dambiga Lagu Helay Madaxii Hore Ee Ololihiisii Doorashada

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa ka niyad xun dambi lagu helay madaxii hore ee ololihiisii doorashada, Paul Manafort, kaas oo la kulmi kara xadhig tobanaan sano gaadhaya.

“Waa wax laga murugoodo waxa dhacay” ayaa Trump uu warbaahinta u sheegay mar uu joogay gagi dayuuradeed oo ku taalla magaalada Charleston ee gobolka West Virginia. Trump ayaa intaas ku daray inuu ka xumaaday arrinta Manafort oo xeerbeegti ay ku heshay siddeed dambe oo la xiriira wax isdaba marin.

Xeerbeegti ku sugan magaalada Alexandria ee gobolka Virginia ayaa afar maalmood u fadhiyey eegista eedaha, iyaga oo go’aan mideysan aan ka qaaday 10 eedaymood oo kale, iyada oo garsoorihii maxkamadduna uu sheegay in la sii wadaynin maaddaama go’aan mideysan ayna xeerbeegtu ka gaarin.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top