Connect with us

somalilandtoday.com

Xiisad Dagaal Oo Saaka Ka Taagan Deegaanka Tuka-raq Iyo Somaliland Oo Aan Wali Ka Jawaabin Hanjabaadii Maamulka Puntland

focus

Xiisad Dagaal Oo Saaka Ka Taagan Deegaanka Tuka-raq Iyo Somaliland Oo Aan Wali Ka Jawaabin Hanjabaadii Maamulka Puntland

(SLT-Tuka-raq)-Xiisad colaaddeed ayaa saaka lagu soo warramayaan in ay ka taagan tahay deegaanka Tuka-raq oo ay isku horfadhiyaan ciidammada Somaliland iyo kuwa maamul gobolleedka Puntand.

Wararku kala duwan oo aanu helayno waxay sheegayaan in ciidamada maamulka Puntland deegaankaasi ka bilaabeen dhaqdhaqyo ciidan, taasina ayaa sababtay in xiisaddani halkaasi dib uga soo cusboonaato.

Xiisaddan ayaa imaaneysa iyada oo maalinimadii shalay aheyd, guddiga difaaca Puntland ay sheegeen in dagaal uu ka dhici doono, deegaanka Tuke-raq, nabadna aysan jiri doonin inta gobollada Sool iyo Sanaag ay Somaliland ku sugantahay.
Guddiga amniga ee maamulka Puntland ayaa shalay ku hanjabay inay dagaal culus ku soo qaadi doonaan deegaanada laysku hor-fadhiyo, Xukuumadda Somaliland ayaan wali ka jawaabin hanjabaada maamulka Cabdiwali Gaas.

Wixii warar ah halkan kala soco

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top