Connect with us

somalilandtoday.com

Hanti Dhawraha Guud Qaranka Oo Soo Bandhigay Tirada Baadhista Socota Iyo Dadka U Xidhan

focus

Hanti Dhawraha Guud Qaranka Oo Soo Bandhigay Tirada Baadhista Socota Iyo Dadka U Xidhan

(SLT-Hargeysa)-Hanti dhawraha guud ee Qaranka Md Axmed Yuusuf Dirir ayaa ku dhawaaqay in dad kala duwan ay xabsiyada ugu xidhan yidhiin, kuwo kalena ay xidhi doonaan, sidaasi awgeedn waxa uu sheegay inay diyaariyeen nidaam ay bulshadu waxyaalaha musuqmaasuqa ah ugu soo gudbin karaan.

axmed yuusuf dirirHanti dhawraha guud ee Qaranka Md Axmed Yuusuf Dirir, oo arrimahaasi ka hadlay ayaa ugu horreyn sheegay tirada baadhisaha u socda iyo ciqaabta ka dhalatay, waxaanu yidhi “Ilaa immika sideed baadhisood ayaa noo socda oo kuwii u dambeeyey dad ayaa xabsiyada Hargeysa iyo Berbera ayey noogu jiraan, waxaana laga yaabaa inay qaar kalena ku soo biiraan oo kiisaskaasi laftooda ku galaan xabsiga”.

Sidoo kalena, Hanti dhawruhu wuxuu tilmaam nidaam cusub oo ay diyaariyeen oo bulshada u sahlaya inay ku soo war geliyaan tallaabooyinka musuqmaasuq ee ay arkaan, “Waxaanu wadnaa nidaam aanu dadka isku gaadhno oo website ah oo qofku meel kasta oo uu wax ku arko uu teleefankiisa ka soo gelin karo waxa uu arkay, haddii uu xattaa arko dhukman faalso ah oo uu noo soo sawiri karo oo uu website-ka noogu soo diri karo, qofka aan mobilkiisu sawir lahayna uu qoraal noogu soo diri karo, markaa nidaamkaasi ayaanu dhawaan shaacin doonaa, waana waajibaadkayaga in aanu ka shaqeyno arrimahaasi”. Ayuu yidhi Hanti dhawraha guud ee Qaranku

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top