Connect with us

somalilandtoday.com

Farmaajo Iyo Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ku Kulmay Dalka Turkiga Iyo Arrimaha Ay Ka Wada-hadleen

focus

Farmaajo Iyo Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ku Kulmay Dalka Turkiga Iyo Arrimaha Ay Ka Wada-hadleen

(SLT-Ankara)-Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga waxa ka hadlay kulanka dhex-maray Farmaajo, waxaanu sheegay inay ka wada-hadleen guulaha iyo caqabahada hor-yaalla Soomaaliya.

Kulankan ayaa noqonaya kii labaad oo labada Madaxweyne yeesheen, iyadoo bishii hore ee July ay ku kulmeen magaalada Ankara, xilli Madaxweyne Farmaajo ka qeyb-galayay caleema saarka Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo dib loo doortay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top