Connect with us

somalilandtoday.com

Xajka Oo Ay Sannadkan Ka Qeybgalayaan Dadkii Ugu Tirada Badnaa Iyo Amaanka Oo La Adkeeyay

focus

Xajka Oo Ay Sannadkan Ka Qeybgalayaan Dadkii Ugu Tirada Badnaa Iyo Amaanka Oo La Adkeeyay

(SLT-Makka)-Dawladda Sucuudiga ayaa culeys saartay adkeynta amniga xujeyda muslimiinta ah ee ka qeybqaadanaya xajka.

Dhinaca amaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana ciidamo ka badan 100,000 oo askari loo xilsaaray xaqiijinta amniga iyo habsami u socodka xujeyda muslimiinta ee Maka iyo Madiina iyo meelaha kale ee muhiimka u ah gudashada acmaasha Xajka.

Wax yaabaha sanadkan xajka ku cusub waxaa ka mid ah in tirada dadka xujeyda ay aad uga badanyihiin sidii hore, waxaa ay gaadhayaan 3Milyan oo qof, waxaa intaas dheer In la ballaadhiyay waddooyinka iyo meelaha muhiimka u ah xajka islamarkaana xadhigga laga jaray afar bilood ka hor xajka.

Waxaa intaas dheer in ciidanka cirka ee Sucuudiga ay heegan sare ku jiraan iyaga oo ka feejigan in xuutiyiinta dalka Yemen ay Sawaariikh la beegsadaan xujeyda iyaga oo ka eegaya colaadda kala dhaxeysa boqortooyada Sucuudiga.

Dhinaca dalka Qadar waxaa ay dawladda Sucuudiga ku eedeysay in sanadkan ay diidday in xitaa hal qof oo Qadar u dhashay uu xajka tago.

Dawladda Qadar ayaa sheegtay in Sucuudiga ay xujeyda u diidday viisaha lagu tago xaja islamarkaana xujeyda Qadar waayeen meel ay ka helaan Viisaha Xajka.

Dhinaca Soomaalida Axmed Safiina oo ka mid ah mas’uuliyiinta qaban qaabada Xajka Soomaalida ayaa sheegay in 22,000 oo Soomaali ah oo ka kala xajiyay 45 Dal ay sanadkan ka qeybgelayaan Xajka.

Waxaa uu xusay in tirada ugu badan ee xujeyda ay ka baxeen dhulka Soomaalida hayeeshee inta kale ay caalamka intiisa kale ka xajiyeen.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top