Connect with us

somalilandtoday.com

PUNTLAND: DP World Oo Lagu Eedeeyay In Aanay Waxba Ka Qabanin Dekedda Boosaaso & Xildhibaanno Gudbiyey Mooshin Ka Dhan Ah

focus

PUNTLAND: DP World Oo Lagu Eedeeyay In Aanay Waxba Ka Qabanin Dekedda Boosaaso & Xildhibaanno Gudbiyey Mooshin Ka Dhan Ah

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe Shalay, ayaa sheegay inay mooshin ka gudbiyeen shirkadda DP World ee maamusha Dekedda magaalada Boosaaso.

Warka PuntlabdXildhibaannada ayaa shirkadda ku eedeeyey inayna waxba ka fulin dhammaan heshiisyadii ay gashay ee horumarinta Dekedda Boosaaso, iyagoo sheegay shaqada Dekeddu inay hoos u dhac weyni ku yimid.

Xildhibaan Maxamed Axmed oo ugu horreyn Warbaahinta la hadlay ayaa yidhi “ku dhawaad 20 xildhibaan ayaa mooshinka soo gudbiyay, guddoonkana wuu aqbalay, shacabka waxaan u sheegeynaa DP World inayna jirin waxay ka fulisay heshiiskii horumarinta Dekedda Boosaaso, hadda dekedda waxa buuxisey ciid iska daa’ in wax laga qabtee.”

Puntland ayaa bishii July ee sannadkii 2017 shirkadda DP world la galay heshiis la xidhiidha dhismaha iyo ballaadhinta Dekedda Boosaaso taaso ay ansixiyeen 46 Xildhibaan oo xubno ka mid ah warbaahinta u sheegeen inay ku qaateen lacago laaluush ah, heshiiska wuxuu dhigayay in Dekedda la billaabo marka heshiisku dhaqan-galo, waxaana ballaadhinta dhismaha Dekedda la sheegay inay ku baxeyso $336 malyan.

Wejiga koowaad ayaa lagu heshiiyay in lagu billaabo 136 Milyan oo dollar, halka wejiga labaadna lagu heshiiyay inay ku baxdo 200 Milyan, heshiiska labada dhinac oo hadda laga joogo muddo ku dhow labo sanno ma jiro wax muuqda oo ka hirgalay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top