Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Ruushka Oo Ka Qeyb Galaya Aroos Ka Dhacaya Austria

focus

Madaxweynaha Ruushka Oo Ka Qeyb Galaya Aroos Ka Dhacaya Austria

(SLT-Moscow)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa lagu wadaa in Sabtidii uu la kulmo hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel balse kulankaasi ka hore waxa uu ka qeyb galayaa arooska wasiirka arrimaha dibedda ee Austria.

Aqalka Ruushka looga arrimiyo ee Kremlin-ka ayaa horaantii toddobaadkaan xaqiijiyay in Mr Putin uu arooska ka noqon doonto marti la yaab leh.

Putin ayaa la casumay xiliigii uu booqashada ku tagayay Austria bilowgii sanadkan.

Ms Kneissl ayaa waxa ay xubin ka tahay xisbiga midigta fog ee xurriyadda, kaas oo ay dowladda haatan talada haysa bahwadaag yihiin.

Warbaahinta Austria ayaa waxaa dhowaantan qabsatay booqashada putin tan iyo markii lagu dhawaaqay biloogii toddobaadkan.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa walaac ka muujiyay kharashka ku baxaya ilaalinta amaanka ee Mr Putin.

Xubnaha xisbiga Cagaaran ayaa qeyb ka ah dadka codsanaya in wasiirka arrimaha dibeda uu is casilo, sababo la xiriira casumaada Putin.

Madaxweynaha Ruushka ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu maanta wadahadal la yeesho hogaamiyaha Jarmalka iyagoo kawada hadli doono xaalada kala duwan oo taagaan.

Jarmalka ayaa wajahaya cadaadis kaga imanaya Mareykanka kaas oo ah in Jarmlaka uu joojiyo mashruuc uu tuubooyin gaas ka soo xiriirinayo Ruushka.

Mrs Merkel oo jimcihii shir jeraa’id ka hadleeysay ayaa sheegtay in ay jeclaan lahayd in xubnaha ka tirsan xulafada Nato ay kala wada xaajooto sidii uu dhici shir ku saabsan xaaladda Suuriya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top