Connect with us

somalilandtoday.com

Maamulka Gobolka Saaxil Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Dekedda Berbera Lagu Aasay Sun

focus

Maamulka Gobolka Saaxil Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Dekedda Berbera Lagu Aasay Sun

(SLT-Hargeysa)-Maamulka Gobolka Saaxil, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Warar sheegaya in Dekedda Berbera lagu aasay Sun.

Sunta la sheegay in lagu aasay Dekedda Berbera oo Maalmihii u dambeeyay ay ka hadlayeen Xildbibaanno ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Maamulka Gobolka Saaxil sheegay in aanay ogeyn halka lagu aasay isla-markaana aanay jirinba oo aan lagu aasin.

Warka Dekedda BerberaBadhasaabka Gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan oo Shalay hadal ka jeediyey Munaasibad lagu soo bandhigay Qalab Shirkadda loo soo iibiyey Dekedda Berbera, ayaa sheegay inay Maamul ahaan Ciddii sheegtay in Sun lagu aasay Dekedda uga baahan yihiin inay tusaan, si wax looga qabto oo looga soo saaro, wallow haddana uu beeniyey inay jirtaba.

Badhasaabka Gobolka Saaxil oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa la yidhi Sun baa lagu aasay Dekedda, wax Sun ah oo lagu aasay Dekeddu ma jiraan.”

Guddoomiye Axmed Cismaan Xasan oo hadalkiisa sii watta ayaa farriin u diray Ciddii soo gudbisay Warka sheegaya in Sun lagu aasay Dekedda “Cidda sheegtay ee leh Sun baa meel lagu aasay ha noo timaaddo oo na tusto halka lagu aasay Sunta, waxaanu jecel nahay inay na tusaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waayo? ma ogin halka Suntaasi ku aasan tahay…”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top