Connect with us

somalilandtoday.com

Hogaamiyeyaasha Caalamka Oo Ka Hadlay Geerida Ninkii Ugu Horreeyay Ee Madow Ah Ee Noqda Xoghayaha Qaramada Midoobay

focus

Hogaamiyeyaasha Caalamka Oo Ka Hadlay Geerida Ninkii Ugu Horreeyay Ee Madow Ah Ee Noqda Xoghayaha Qaramada Midoobay

(SLT-Washington)-Hogaamiyayaal horey xilal u hayay iyo kuwa imika haya ayaa amaan kala dul dhacay xoghayihii hore ee guud ee Qaramada Midoobay Kofi Annan oo shalay geeriyooday.

Mr Annan ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Qaramada Midoobay ka hor inta uusan noqon xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxwaynihii hore ee mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in Mr Annan uusan waligii joojin raadinta in caalamka uu noqdo goob wanaagsan.

Rai;sul wasaarihii hore ee Britain Tony Blair oo isagu ay mar Annan isku khilaafeen duulaankii Ciraaq ayaa ku tilmaamay in uu ahaa nin xirfad wanaagsan oo saaxib ah.

Madaxwaynaha Ruushka Putin ayaa ammaanay Mr Annan waxa uuna ku tilmaamay in uu ahaa nin xikmad leh islamrkana dhiiran xitaa marka ay xaaladaha adagyihiin.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,Antonio Guterres, ayaa sheegay in Mr Annan uu ahaa ‘awoodda hagta wanaagsan’.

Annan, oo ah ninkii ugu horreeyay ee Afrikaanka madow ah ee hogaanka u qabta Qaramada Midoobay waxa uu noqday mid ka mid ah diblamaasiyiinta ugu caansanaa ee soo maray taariikhda casriga ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top