Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Soomaaliya Oo U Yeedhay Diblomaasiyiinta Ka Jooga Dalka Suudaan

focus

Dawladda Soomaaliya Oo U Yeedhay Diblomaasiyiinta Ka Jooga Dalka Suudaan

(SLT-Muqdisho)-Dawladda Soomaaliya ayaa u yeertay diblomaasiyiinta joogta Safaaradda dalka Suudaan inay ku laabtaan magaalada Muqdisho, ka dib “amar ka soo baxay ra’iisul wasaaraha”.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda oo la shaaciyey inuu ku saxiixan yahay xoghayaha joogtada ee wasaaradda, Danjire Siciid Xaaji Maxamuud ayaa lagu sheegay in diblomaasiyiintaas ay ku soo laabtaan laba todobaad gudahood “si wada tashi loola yeesho”.

U yeeridda diblomaasiyiintan ayaa sida qoraalka lagu xusay, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliyana uu sheegay, waxay ka dambaysay amar uu ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre bixiyey, ka dib markii “uu u kuurgalay shaqada safaaradda, uuna dhagaystay cabashooyin ka yimid ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Suudaan, intii uu ku guda jiray booqashadii uu dhawaan dalkaas ku tegey”.

Wasiirka, Axmed Ciise Cawad, wuxuu BBC u sheegay in amarkaas uu sidoo kale khuseeyo hawlwadeennada wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u jooga safaaradda, sida Wasaradaha waxbarashada, ganacsiga, amniga iyo waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha.

Wuxuu intaa ku daray in la magacaabay ku sime safiir iyo ku xigeen ku sime safiir, kuwaasoo shaqada sii wadi doona.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa horraantii bishan u tegey magaalada Khartuum in uu ka qayb galo shir lagu nabadaynayey dhinacyadii ay ka dhaxaysay dirirta South Sudan, waxaana intii uu halkaa joogay uu la kulmay ardayda Soomaaliyeed ee dalkaas wax ka barta, kuwaasoo cabasho xoog leh ka gudbiyey diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee Khartuum.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top