Connect with us

somalilandtoday.com

DAAWO: “Waxaa Lanagu Madhiyey Sixir Oo Aanu Khaati Ka Taaganahay…” Shacabka Magaalada Burco Oo Ka Cabanaya Sixirooleyaal Iyo Baaq Ay U Direen Laamaha Ammaanka

focus

DAAWO: “Waxaa Lanagu Madhiyey Sixir Oo Aanu Khaati Ka Taaganahay…” Shacabka Magaalada Burco Oo Ka Cabanaya Sixirooleyaal Iyo Baaq Ay U Direen Laamaha Ammaanka

(SLT-Burco)-Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco ee xarunta gobolka Tog-dheer ayaa waxa ay cawdeen Sixirka dadka loo qabto oo kusoo batay magaalada Burco kaasi oo lagu dhacayo hantida dadka.

Bulshada ku dhaqan Burco oo ka hadashay falalkaasi Sixirka ee kusoo batay ayaa waxa ay qaarkood ka sheekeeyeen falal Sixir ah oo lagula kacay dad ay isku qaraabo yihiin kuwaasi oo u dhintay sixirkaasi loo qabtay ama lagu dhacay hantidoodii.

Dadweynaha ayaa waxa ay sheegeen in ay jiraan in ka badan 30 meheradood oo raggii lahaa qaarkood istoogteen, qaarna is daldaleen halka qaarkoodna guryahoodii dab uun lagu shidayo oo uu ka kacayo.

Dadweynaha ayaa waxa ay sheegeen in ay jiraan dhibaato baahsan oo ay ku hayaan dadka Sixirka ku shaqaysta islamarkaana lagu madhiyay dad badan falalkaasi.

Ugu dambayna bulshada ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Tog-dheer ayaa waxa ay baaq cabasho ah u direen xukuumadda Somaliland bahda garsoorka iyo laamaha ammaanka waxaanay ugu baaqeen in ay wax ka qabato dadka falalkan ka wada magaalada, Halkan hoose ka DAAWO

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top