Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirka Maaliyadda Oo Xilal U Magacaabay Mas’uuliyiin Uu Ka Mid Yahay Guddoomiyaha Golaha Dhex Ee Xisbiga KULMIYE

focus

Wasiirka Maaliyadda Oo Xilal U Magacaabay Mas’uuliyiin Uu Ka Mid Yahay Guddoomiyaha Golaha Dhex Ee Xisbiga KULMIYE

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa magacaabay shan la taliye oo dhammaantood la taliyayaal ka noqon doona wasaaradda maaliyadda.

Ma jiro war rasmi ah oo uu Wasiir Yuusuf ku baahiyay magacaabista la taliyayaashan oo uu ka dhex muuqdo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel).

Shanta la taliye ee uu Wasiirku Magacaabay ayaa kala ah

  1. Prof. Maxamed Yuusuf Iqra, la taliyaha Istaraatajiyada

  2. Maxamed Xaaji, kaaliyaha Prof Iqra ee la taliyaha Istaraatajiyada

  3. Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), la taliyaha sharciga

  4. Liibaan Maxamed Yuusuf, la taliyaha human resource

  5. Maxamed Yuusuf Xaaji Cabdi la taliyaha arrimaha miisaaniyadda

  6. Ismaaciil Lug-weyne, la taliyaha arrimaha wacyigelinta

Lama garanayo waxyaabaha uu Wasiirka maaliyaddu ku xushay la taliyayaashan, laakiin waxay noqonayaan la taliyayaashii u horeeyay ee tiradan leeg ee lagu dhex arko guud ahaan xukuumadda Somaliland ee aan weli sannadka jirin.

Madaxweyne Biixi, ayaan weli si rasmi ah u magacaabin la taliyayaal, waxaana la sheegaa inuu meesha ka saaray inta badan la taliyayaashii Madaxweynihii hore oo lagu dhaliilo jiray tiro badnaan iyo tayo la’aan,

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top