Connect with us

somalilandtoday.com

Warbixin: Maxay Ka Dhigan Tahay Xilka Qaadista Xildhibaan Naasir Cali Shire?

focus

Warbixin: Maxay Ka Dhigan Tahay Xilka Qaadista Xildhibaan Naasir Cali Shire?

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa maanta xilkii ka qaaday guddoomiyhii golaha wakiiladda guddiga dabo galka hantida qaranka Naasir Cali Shire. Xil ka qaadista Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa timid kadib khilaaf la sheegay in uu soo kala dhex galay.

Naasir iyo guddiga uu madaxda u yahay dhawaan waxay golaha wakiiladda horkeeneen warbixin ay ku soo bandhiggeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsanaa xukuumaddii madaxwayne Siilaanyo kuwaasi oo ku eedeeyeen in muddadi ay xilka hayeen ku tagri falleen xoolaha dadwaynaha – sifoon kala duwan in ay u isticmaaleen/qaateen mas’uulinyiintani ayay sheegeen guddiga uu guddoomiyaha u yahay Naasir Cali Shire. Inkasta oo ay isdifaaceen mas’uulinyiinta eedeynta loo jeediyey handana waxa ay bulshadu si weyn isha ugu haysay tallaabada laga qaadi doono xubnahani musuqmaasuqa lagu soo eedyey oo uu ka mid ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda hawlaha guud iyo gureynta Cali Maxamed Xasan ‘Cali Mareexaan’.

Naasir Cali Shire ayaa ku celceliyey in uu caddeymo buuxda u hayo musuqmaasuqa ay galeen xubnahaasi ka tirsanaa xukuumaddii Siilaanyo hase yeeshee waxa uu shalay sheegay Naasir in xilka laga qaadaayo sababta se muu sheegin.

Naasir oo isaga qudhiisu ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyey waxa uu sheegay in la diidan yahay uun in ay warbixinta ay soo bandhiggeen sii socoto – hase yeeshee halkii uu tagaba dedaal uun ka sameyn doono.

Saameynta arrintani keenni karto

Saameynta ugu weyn ee arrintani ka dhallan kartaa waxa weeyaan in xildhibaanada iyo guddiyada golaha wakiiladda Somaliland ee baadhis iyo bandhiggis sameynaaya ay hoggaankooda niyad jab iyo hakis badan ku keeni karto – sida ay qabaan dad badan oo siyaasadda fallan-qeeya. Waxa kale oo arrintani saameyn ku keenni kartaa kalsoonidii ay bulshadu baarlamaanka ku qabeen iyadoo loo arka in cid walba oo musuqmaasuq soo bandhigta la curyaaminaayo iyada oo xilka laga qaadaayo.

Ugu danbeyntiina inkasta oo sunne ay tahay xil ka qaadis in lagu sameeyo mas’uul kasta oo umadda xil u ahaya hase yeeshee arrintani maanta ee ah xil ka qaadista Naasir Cali Shire ayaa dadbadani ku dooddayaan in ay dhaawac ku noqon karto warbixintii guddigaasi. Waxa kale oo doodda hadda taagani ay tahay in la diidan yahay cid walba oo tooshka ku ifisa musuqmaasuqa jira.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top