Connect with us

somalilandtoday.com

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho Oo Loo Xidhay Musuq-Maasuq

focus

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho Oo Loo Xidhay Musuq-Maasuq

(SLT-Muqdisho)-Ciidamada dambi baadhista CID-da ee Booliska ayaa xidhay illaa lix xubnood oo ka tirsan Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho, iyadoo loo heysto arrimo la xidhiidha musuq maasuq.


Wararka ayaa sheegaya in dadka la xidhay ay ku jirto Maamule kuxigeenka Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho oo ah Haweeney iyo shan kale oo rag ah sida ay baahisay shabakadda Jawhar oo aanu ka soo xiganay warkan.

Sidoo kale waxaa la la’yahay Maamulihii Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho Axmed Cabdillaahi Samow oo la sheegay in loo jaray warqad amar xadhig.

Ciidammada dambi baadhista ayaa la wareegay xafiiska kastamka canshuuraha Dekedda Muqdisho, iyagoo saacado baadhitaan ku hayay xafiiska, isla markaana gebi ahaanba joojiyay shaqadii ka socotaa.

Xafiiska Hanti dhowrka Guud ayaa la sheegay in toddobaayadii u dambeeyay uu ilgaar ku hayay xafiiska Kastamka canshuuraha Dekedda Muqdisho oo ah halka lagu canshuuro badeecadaha iyo alaabaha ka soo dega Dekeda

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay qaaday tallaabooyin looga hortagayay musuq-maasuq, iyadoo loo xidhay mas’uuliyiin darajada dhexe ah, halka kuwa kale Baadhitaano ku socdaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top