Connect with us

somalilandtoday.com

Itoobiya Oo Ciidamadeeda Ka Soo Saareysa Jiidda Hore Ee Xuduuda Eritrea

focus

Itoobiya Oo Ciidamadeeda Ka Soo Saareysa Jiidda Hore Ee Xuduuda Eritrea

(SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamadeeda ku sugnaa Jiidda hore ee xuduuda Eritrea ay ka soo saareyso, labaatan sano oo ay ku sugnaayeen.

Colaadii u dhaxeysa labada dal ayaa la soo afjaray, iyagoo gaaray heshiis nabadeed oo mar kale dib isugu furay xiriirkii diblomaasi iyo ganacsi ee labada dal ka dhaxeeyay.

Guddoomiyaha Gobolka Waqooyi ee Ismaamulka Tigreega ayaa ku dhawaaqay go’aanka Ciidamada Itoobiya looga soo saarayo jiidda hore ee xuduuda, halkaasoo ka mid aheyd goobihii dagaalada ba’an ka dhaceen intii u dhaxeysay sanadihii 1998 illaa 2000.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa aaggaga deegaanada u dhow xuduuda sida Buree, Zaalambass, Shiraaro iyo Baadme ayaa tiradooda kor u dhaafeysay illaa 100,000 oo askari, waxaana dhowr jeer tirada ciidamada aheyd mid is bedbedeleysay.

Dhinaca kale Dowladda Eritrea ayaa dhankeeda sheegtay inay qaadeyso tallaabo la mid ah midka Itoobiya ee ay Ciidamada uga saareyso aaggaga Xuduuda labada dal wadaagaan.

Tan iyo markii is bedelka dhanka hoggaanka uu ka dhacay Itoobiya, isla markaana talada dalka uu la wareegay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, waxaa uu u horseeday tallaabooyin aan horay loo fileyn sida inuu aqbalay go’aankii Guddigii xadeynta Qaramada Midoobey ugu xukumeen Eritrea dhulkii ay isku hayeen iyo inuu meesha ka saaray colaadii labada dal u dhaxeysay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top