Connect with us

somalilandtoday.com

Guddoomiyihii Guddiga Daba-Galka Iyo Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Naasir Cali Shire Oo Xilkii Laga Qaaday

focus

Guddoomiyihii Guddiga Daba-Galka Iyo Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Naasir Cali Shire Oo Xilkii Laga Qaaday

(SLT-Hargeysa)-Warar xog- ogaal ah oo aanu helay ayaa waxa ay sheegayaan in xilkii laga qaaday guddoomiyihii guddiga daba-galka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiillada Somaliland Naasir Cali Shire.


Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa loo bedelay in uu xubin ka noqday guddiga hawlaha guud iyo guryaynta ee golaha wakiillada Somaliland.

Xilka qaadista Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa lala xidhiidhinayaa fadeexado musuq-maasuq oo uu ay soo bandhigeen guddiga daba-galka iyo ilaalinta hantida qaranku kuwaas oo ay sheegeen inay ku kaceen wasiirro ka tirsanaa xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Guddoomiyaha golaha wakiillada Baashe Maxamed faarax ayaa hore raali-gelin uga bixiyay warbixin ay soo bandhigeen guddiga dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka waxaana arrinta si adag ugu gacan-saydhay Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ah guddoomiyaha guddigaasi

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top