Connect with us

somalilandtoday.com

Bedelka Safiir Baashe Cawil Iyo Bilawga Mashaariicda Maxaa Isku Beegay!!!

Articles

Bedelka Safiir Baashe Cawil Iyo Bilawga Mashaariicda Maxaa Isku Beegay!!!

Dib haynu u milicsano tagtadii shalay iyo hal-hayskii madaxweynaha maanta ee ahaa “ Saraynta Sharciga” iyo timaadadii hal-hayskii madaxtooyada loogu wan-qalay ee noqday “Habar Awal Ka Noolaato Intaan Hayo”

Waayihii loo maray weelaynta guusha xidhiidhka Somaliland iyo dalka isu-tagga imaaraadka carabta waxaa hoggaaminayay safiir baashe cawil oo ahaa wakiilka Somaliland u fadhiyay U.A.E, Balsé Tan iyo intii xukunka uu la warreegay madaxweyne muuse waxaa soo ifbaxayay dagaalo hoose oo ay ku jiraan beesha Habar-awal oo ujeedadoodu ahayd in Safiir Baashe xilkaa wakiilnimo aanu sii ahaan, si ay u helaan wixii dhito iyo dhaxal gal ah ee ka soo baxaya mashaariicaha bislaaday ee ballaadhinta marsada berbera iyo

base ka milateri.
Sidani ma sarayntii sharcigaa in Habar-Awal Xilkasta oo hoos imanaayay ama xidhiidh la lahaa mashaariicdaasi ay hayaan oo lagu taxay mise waa xaqiijinta hal-hayskii ahaa Habar-Awal Ha ka noolaato Intaan hayo!

Ugu dambaytii arrintani waxay ku soo biyo shubteen in mashaariicdii horumarineed ee imaaraadku ka waday Somaliland ay noqdaan Mashaariic ka dhaxaysa Habar-Awal Iyo Imaaraadka!

W/Q: Abdi Ahmed Osman

abdikhalaq414@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top