Connect with us

somalilandtoday.com

Abwaan Ka Soo Jeeda Bariga Burco Oo Gabay Xaal Kaga Bixiyay Codkii Degaankaasi Madaxweyne Muuse Biixi Siiyeen.

advertise

Abwaan Ka Soo Jeeda Bariga Burco Oo Gabay Xaal Kaga Bixiyay Codkii Degaankaasi Madaxweyne Muuse Biixi Siiyeen.

(SLT-Hargaysa) Abwaan Cismaan Kujare oo ka soo jeeda Degaanka Bariga Burco ayaa Gabay uu tiriyay kaga xaalsiiyay codkii ay degaanka Bariga Burco siiyeen Murashaxii KULMIYE Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha hadda . Gabaygaas ayaa u dhignaa sidan .

Awal iyo hadii habar xabuush laysku xamanaayey.

Jeegaanta iyo xulafadii furay xidhiidhkiiye.

Xeegaanta nimankaan lahayn nama xasuustaane.

Lo, xashiish cunaysiyo sidii xaaluf adhi jooga.

Xeedhada markii ay arkeen xoore maradiiye. Goljano iyo xera awr nimaan weli xagna u dhaafin Xaqna aan u kala soori karin xaafad wada taala,

Xil haduu cidsiiyana ninkii xiga u dhiibaaya oo aan xakame kaa qabtiyo xadhigna loo haynin Xuseenow inaan dooranaa xaasha, ma ahayne
Hadii aan la xaasidin Isaaq ways xaqirayaaye, Xaraf nimanka yaal iyo Dunbuluq kala Xiniin roone
Xirsi iyo Cirro & Faysalkii layla xamanaayey iyaba waa xigaalkay haday Xabashi moodeene
Tolka waxan ka xaal siinayaa xaajigaan wadaye.

Abwaan Osman Ahmed Mohamed (Kujare).

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top