Connect with us

somalilandtoday.com

Mashruuca “Is dhexgalka Bulshadda” + Dhiig Baxa Aqoonyahanka Soomaaliland + Mooganaanta Xukuumadda Muuse

Articles

Mashruuca “Is dhexgalka Bulshadda” + Dhiig Baxa Aqoonyahanka Soomaaliland + Mooganaanta Xukuumadda Muuse

Dowladda Federalka Soomaaliya oo Sanadihii u Danbeeyey La Soo baxdey siyaasadda Ka Horumarsan Xilligii ay ku Meel gaadhka aheyd, Ayaa Iyadoo Dowladda Maraykanka iyo dawlada norway oo ay Taageero ay dhaqaale Ka helaysho Ayaa Mudaba Wadey Mashruuca La Magac Baxay “Isdhexgalka Bulshadda” kaas oo Si Toos ah loogu Bar-tilmameedsanayo Da’yarta iyo Aqoonyahanka Reer Soomaliland kuwaas oo Si Cad Maanta Ugu sii Qulqulaya Caasimadda Muqdisho iyadoo Lagu soo Jiidaynayo Shaqooyin Fiican oo Mushahar sarre leh.


Isago mashruucani hoos imaanayo Mashruucii Xasilinta Dalka oo ka mid ah mashaariicda wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ay ugu tala gashay horumarinta dalka ee la daah furay SEP

14’2016

Ujeedka Mashruucan laga leenahay waxa uu yahay ka qeyb qaadashada Dib u heshiisinta ,nabada ,Xasiloonida iyo horumarka Dalka Soomaaliya, sidoo kale waxay rabn in ay u abuuraan shaqooyin badan oo ay helaan dhalinyarada si aya dhalin yar aqoon yahanka ah ee reer somaliland loogu soo jiito

Balse Waxaa taas garab socda in Tobanka Sanno ee soo Socda la helo Kumanaan Aqoonyahan oo Reer Soomalilajd ah kuwaas oo aaminsan Midnimadda Soomaliya, kana soo horjeeda Gooni isku taaga Soomaaliland.

Mashruucani waxaa uu u Eegyahay mudadii u socdey mid guuleystey oo Dowladda Soomaliyana Ay ku Faaneyso. Sidoo kale xukuumadda Soomaliland ayaa Si Dhab ah u moogan mashruucan oo mijo xaabinaya qadiyadda Gooni isku taaga iyo qaranimadda Soomaaliland.

Waxaa kale iyaduna Ayaandarro ah in Mashruucan iyadoo lagu hoos gabanayo Maanta si cad ah ay u socoto Barnaamijyo ay ka mideysan yihiin Muqdisho iyo hargeisa kaas oo la isaga dab qaado.
HADABA
Bulshadda Reer Soomaaliland Inta Mashruucan Fahansani waxay is Weydiinayaa dhiigbaxa qaranka Soomaailland ku socda Aqoonyahankiisu Dhaxalka uu dhaxal siin doono tobanka Sanno ee Soo Socda Qadiyadda Soomaliland?

Shan sanno horteed Xidhiidhka Bulsho ama Dhaqan dhaqaale ee Muqdisho iyo Hargeisa ka Dhaxeeya Wuu Koobna, Balse Maanta Waxaa Marag ma Doon ah in Si Dhab ah Aqoonyahankii Soomaliland In badanina Ku Dhacdey Dabinadda Lagu Hagardaameynayo Qaranimadda Soomaliland boqolaal kale u Hanqal taagayaan in Ay Muqdisho Tagaan Iyadoo lagu Soo Jeedinayo Shaqooyin Mushahar Wanaagsan oo Ay ku Gadaaman Yihiin Amaan Xumidda Soomaaliya.

GABO-GABO
Xukuumadda Soomaliland Waxaa Saaran In Ay u Diyaar garowdow sidii ay uga Hortagi laheyd “Mashruuca Isdhexgalka Bulshadda” Ee Dowladda Soomaliya ku Guuleystey, Sidoo kalena Abuurto Fursadihii Ay Kaga Hortagi laheyd Taas oo ay ugu Horeyso Sidii Aqoonyahanka Reer Soomaliland uga Heli lahaayeen Dalkooda Nolol iyo Shaqo u Qalanta Hankooda iyo Hamigooda.

W/Q: Buraale Jama Essa

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top