Connect with us

somalilandtoday.com

Xisbiga Shaqaalaha Brazil Oo Nin Xidhan U Sharaxday Madaxweynenimo

focus

Xisbiga Shaqaalaha Brazil Oo Nin Xidhan U Sharaxday Madaxweynenimo

(SLT-Brazil)-Xisbiga Shaqaalaha Brazil ee PT ayaa si rasmi ah murashaxooda madaxweynenimo ugu diiwaan galiyay madaxweynihii hore ee la xiray Luis Inacio Lula da Silva.

Taageerayaashiisa ayaana hal hays ka dhigtay “Madaxweyne ha noqdo Lula” iyo “xoriyaddiisa hala siiyo Lula” waxayna xisbiga PT u raaceen maxkamadda arrimaha doorashada ee Brasilia saacado ka hor wakhtigii kama dambaysta ahaa.

Balse dacwad oogaha guud ayaa isla markiiba xareeyay dacwad uu waxba kama jiraan kaga soo qaadayo murashaxnimada Lula, maadaama oo xukunkii lagu ridday bishii Janaayo ay maxkamaddi ayidday.

Qofkii reer Brazil ah ee maxkamadi xukun ku riddo racfaanna ku guul darraysta uma tartami karo madaxweynenimo.

Lula ayaa hadda xabsi ku jira isaga oo ku xukuman 12 sano, isaga oo loo haysto in uu laaluush aqbalay.

Waxaa lagu helay in uu aqbalay dhisme xeebta qarkeeda ku yaalla oo la dayac tiray oo qiimahiisa lagu sheegay 1.1 milyan oo doolar, uuna laaluush ahaan uga helay shirkad arrimaha injineeriyadda qaabilsan ee OAS.

Wuu diiday in uu khalad gaystay, wuxuuna sheegay in xukunka xabsiga ah uu yahay shirqool lagaga hor istaagayo in uu awoodda ku soo laabto.

BrazilLahaanshaha sawirkaAFP/GETTY

Madaxweynahan hore ayaa ah qofkii ugu darajo sareeyay ee xukun loogu fuliyo baaritaannada musuqmaasuq la dagaalanka ee socda.

Booliisku wuxuu sheegay in 10,000 oo ruux ay ka qayb qaateen isu soo baxa ka dhacay maxkamadda Brasilia.

Inkastoo Lula uu xabsi ku jiro haddana xisbigiisa PT ayaa murashaxnimada u doortay bishan horraanteedii.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top