Connect with us

somalilandtoday.com

Maxkamad Ku Taallo Liibiya Oo 45 Qof Xukun Dil Ah Ku Ridday

focus

Maxkamad Ku Taallo Liibiya Oo 45 Qof Xukun Dil Ah Ku Ridday

(SLT-Liibiya)-Wasaaradda caddaaladda ayaa waxay sheegtay maxkamadda dambiyada ee dalkaasi Libiya ayaa 45 qof oo ka mid ahaa dabley daacadda u ahayd qaddaafi ku xukuntay dil, iyada oo dableeydaasi lagu soo eedeeyey dil iney u geysteen dad dibadbax sameeynayey 2011-ka.

dadka dibadbaxyada sameeynayey oo ahaa dad rayad ah waxay dibadbaxooda kaga soo horjeedeen maamulka Kornel Qaddaafi.

Dadkan la maxkamadeeyay oo gaadhay 100 qof, dadkaas oo kiis qura loo wada haystay, xukunka haatan dhacayna uu yahay midkii ugu dambeeyay maadaama ay horay racfaan u qaateen.

Tani iyo 2015-ki maxkamadda Tripoli waxay ridday xukunnadi dilka ugu horreeyey.

Maxkamaddu waxay xukun dil ah ku xukuntay 45 qof oo u dhashay dalka Libiya.

54 ka mid ah dadka dacwadda lagu soo oogay waxaa lagu xukumay min 5 sano oo xarig ah, halka 22 ka mid ah eedeysanaaysha lagu waayey dacwadda lagu soo oogay ee deegaanka looga yaqaanno Tiriq Al-sareex ee Abusaliim.

Maalmihi ugu dambeeyey kacdoonki looga soo horjeeday Colonel Qaddaafi ee 2011-ka, dadka deggan deegaanka Abu-saliim waxay isugu soo baxeen waddooyinka si ay u muujiyeen farxaddooda iyaga isu soo baxa ku muujinayey xorriyadda caasimadda ee xilligaa.

Balse maalintaasi waxay ahayd maalin ay dad badan aaminsan yihiin isu soo baxa inuu khalad ahaa, sababta oo ah caasimaddu kulligeed weli fallaagada qaddaafi ka soo horjeedday gacanta uma gelin.

Tobannaan qof ayaa ku dhimatay rasaas ay ciidama deegaankaa ku sugnaa oo daacad u ahaa qaddaafi rasaas ay ku fureen.

Seif Al-slaam oo ah oo wiil uu dhalay QaddaafiLahaanshaha sawirkaREUTERSImage captionSeif Al-slaam oo ah oo wiil uu dhalay Qaddaafi

Xukunka maxkamadda ee maanta ay Tripoli ka shaacisay wasaaradda caddaaladda ayaa waxay la yaab ku noqotay qaar ka mid ah dadaka u ololeeya xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah.

Lamana oga halka eedeysanayaashaasi la xukumay laga soo xidhay, lagu dacweeyey iyo haka laguna xukumay intaba.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top