Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynihii Hore Ee Argentina Oo Maxkamad Hortay Iyadoo Eedaymo Musuq-maasuq Loo Haysto

focus

Madaxweynihii Hore Ee Argentina Oo Maxkamad Hortay Iyadoo Eedaymo Musuq-maasuq Loo Haysto

(SLT-Argentina)-Madaxweynihii hore ee dalka Argentina haweeneyda lagu magacaabo Cristina Kirchner ayaa hortagtay Maxkamadda dalkaasi si ay jawaab uga bixiso dacwad la xidhiidha kiisas dhinaca musuqmaasuqa ah.

Maamulkeeda ayaa lagu soo eedeeyey musuq baahsan inay ku dhaqmeen weliba inay lunsadeen malaayiin dollar kuwaas oo ay ganacsato kula heshiiyeen inay lacagta iyaga sii marto (Money laundering ).

Haweeneydaan ayaa ku ku dooday in dacwadaha ka dhanka ah ay yihiin kuwo la doonayo in looga saaro tartanka doorashooyinka sanadka dambe ee ay isu diyaarineyso maadaama siyaasiyiintu isleeyihiin armay tartanka idiinka guulaystaa.

Qaar ka mid ah Ganacsatada iyo Saraakiil horay uga tirsanaa Dowladda ayaa la dhigay xabsiga,kadib markiii Wargeyska La Nacion uu 1-da bishaan qoray warbixin uu kaga hadlaayo lacago Malaayiin dollar ah oo laaluush ah oo ay kala qaateen Wasiirro iyo Ganacsato.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top