Connect with us

somalilandtoday.com

Ilhaan Cumar Iyo Laba Qof Oo Kale Oo Soomaali Ah Oo Ku Guuleysatay Doorashooyin Xalay Ka Dhacay Dalka Maraykanka

advertise

Ilhaan Cumar Iyo Laba Qof Oo Kale Oo Soomaali Ah Oo Ku Guuleysatay Doorashooyin Xalay Ka Dhacay Dalka Maraykanka

(SLT-Washington)-Saddex qof oo Soomaali ah ayaa guul ka gaaray doorashooyin ka dhacay dalka Maraykanka, waxaana natiijadan noqotay mid dad badan soo jiidatay.

Ilhaan Cumar ayaa heshay codod gaaraya 59,322 oo u dhiganta 48.1% waxaana ay kusoo baxday golaha congress-ka dalka Maraykanka.

Sidoo kale doorashooyinkan dhacay waxaa guul ka gaaray Hodan Xasan oo ku guuleysatay iyana golka Congress-ka Minnesota iyo sidoo kale Maxamuud Nuur oo ku guuleystay kursigii ay faarujisay Ilhaan.

Soomaalida Minnesota ayaa wada dabaaldegga guulahan ay gaareen Saddexdan qof oo Soomaalida Maraykanka ku nool ka mid ah.

Tartanka guulaha ay ka gaareen Soomaalidan ayaa ah midka Xisbiga Dimuqraadiga ah dhexdiisa ah, waxaana ay la tartami doonaan bisha November xubnaha kasoo baxa xisbiga Jamhuuriga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top