Inkastoo ay soo dhaweeyeen Xubno u baddan Mucaaridka Somaliland ee isaga laf ahaantiisa kasoo horjeeda kana tirsan Xisbiga Wadani anigu Waxaan u arkaa shakhsi ahaan Talaabo qaloocan oo uu qaadey Madaxweyne Biixi sababtoo ah Tusaale ahaan Heshiiska Haamaha ee uu Muuse Laaley Miyaaney u Muuqaneynin Mid uu ugu Socdo In kusoo Afjaro Heshiiska Dekedda ee DP-World.
Marka aynu Tixraacno heshiiska haamaha Shidaalka ee Madaxweynihii isaga dhisey ee ka horeeyay Axmed Siilaanyo uu u meel mariyey Ganacsato muwaadiniin ah oo u dhashey dalkan Somaliland islamarkaana, tiraba laba jeer uu Golaha Wakiiladu u
ansixiyey miyaanay xaqiiq ahaan aheyn marka koowaad in uu Meel kaga dhacey Xuquuqda aasaasiga ah ee Muwaadiniintu ku leedahay dalkooda iyo dadkooda iyo qodobka labaad oo ah Dastuur jabin uu Madaxweynuhu iskaga indho tirey Meelmarinta Golaha Sharci dajineed ee Dalka taas, oo uu ku jabiyey qodob Dastuuri ah iyo waliba qodobka Sadexaad oo ah in uu daba Socdo sidii uu u tirtiri lahaa Qoddobadii uu Meelmariyey Madaxweynihii ka horeeyay taas, oo Sumcad xumo iyo Aaminaad la.aan ku keenaysa dalka Somaliland in aaney habayaraatee Shirkad ajaanib ahi Wax heshiis ah oo Hurumarineed lagali karin Madaxweyne Somaliland Taladeeda haya.
Guudhaaanba Bulshada Somaliland Waxey kawada dharegsan tahey Sifaha iyo Wadada uu usoo marey Muuse Biixi in uu gacanta ku qabto Talada dalka taas oo Boqolkiiba Sagaashan kasoo fushey Go.aanadii Madaxweyne Siilaanyo ugu Xalaaleeyay in uu Noqdo Murashaxa aan Cidina kula tartami karin Xisbiga Kulmiye ee uu isagu aasaaskiisa lahaa islamarkaana, kaligii Waa Muuse Biixiye loogu gacan taagey Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa taas, oo sababtey in Wasiiro badani iskaga casilaan Xilalkii ay u hayeen Madaxweynihii hore kadib markii uu amar kusiiyay in ay isaga u gacan taagaan oo Doortaan Shirkii u Dambeeyay ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, sidaana loogu doortey Wakhtigaa Murashaxii Kulmiye ee u tartamayay jagada Madaxweynaha ee uu Maanta ku gaadhey In uu Qabto Xilkii Qaranka u Sareeyay.
Haddaba Su,aasha Isweydiinta Mudani Miyaaney aheyn Sidee Loo Aamini Karaa Qarankan Somaliland marba hadii Madaxweynaba Madaxweynaha Ka Dambeeyo Laalayo Meeshana ka saarayo heshiiskii uu la galey qaar Kamid ah Ganacsatadii Muwaadiniinta aheyd iyadoo ay horena u jireen Shirkado Maalgashi ku Sameeyay Haamaha Shidaalka sida Total oo Maamulkii Rayaale u Tixgaliyey Madaxweynihii ka horeeyay haseyeeshee, Xukuumadii Siilaanyo Laalshey Heshiiskii Miyaanay Shirkadaha Ajaanibka ahi Sas weyn la qaadeen Heshiis ay la galaan Madaxweyne Talada Somaliland haya Laakiin Muuse Biixi iyo Xukuumadiisa ma u Sharafbaa miyaanay abaal La,aan ku noqoneynin in uu Tirtiro Heshiisyadii Madaxweynihii ka horeeyay Axmed Siilaanyo. Sideebay Aduunyadu u Aaminaysaa Somaliland.
Najiib Ismaaciil Maxamed
Gabiley Somaliland
Tell:0634466339