Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Oo Xalay Ku Hoyday Muqdisho

focus

Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Oo Xalay Ku Hoyday Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax ayaa xalay ku hoyday magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, iyagoo wada-hadalo la yeeshay Madaxda ugu sareysa dalka.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa booqashadooda tahay mid labo maalmood ah, waxaana ku wehliya La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane Ghebreab iyo xubno kale.

Kulamo tan iyo xalay dhex marayay wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea iyo Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa looga hadlayay sidii xidhiidhka labada dal loo xoojin lahaa, iyadoo laga ambaqaadayo booqashadii rasmiga aheyd ee uu bishii la soo dhaafay ku tagay magaalada Asmara Madaxweyne Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ay horudhac u yihiin Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo dhowaan Muqdisho tagi doonaa.

Booqashada Madaxweynaha Eritrea ayaa jawaab u ah booqashadii Madaxweyne Farmaajo bishii hore ku tagay Asmara.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top