Connect with us

somalilandtoday.com

War Deg-deg Ah: Madaxweyne Biixi Oo Joojiyay Dhisme Ka Socday Hargeysa Club

focus

War Deg-deg Ah: Madaxweyne Biixi Oo Joojiyay Dhisme Ka Socday Hargeysa Club

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu amray in la joojiyo dhismaha Hudheelkii Dawladda Ee Hargeysa Club oo ay xukuumadii hore ee Daahir Rayaale Kaahin Ku Wareejiyay mid ka mid ay dadka reer Somaliland.

 Wararku waxa ay sheegayaan in xukuumaddu ay damacsan tahay sidii gacanta dawladda dib loogu soo celin lahaa, maadaama uu ka mid yahay hantidii Qaranka.

Hudheelkan oo in muddo ah dhisme lagu dayactirayo ayaa waxa shuraako ku ahaa dhismihiisa Suldaan Siciid  Yusuf Ducaale iyo Orodyahanka Caanka ah ee Jaamac Karaaciin, waxaana joogsaday dhismihii lagu waday ka dib markii aysoo baxday Go’aanka lagu hakinayay.

Laba maalmood ka horna Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu gacanta Dawladda Dib ugu soo celiyay Maamulka Haamaha Kaydka Shiidaalka Berbera iyo amaanka Madaarka oo labadaba ay xukuumaddii hore ku wareejisay shakhsiyaad.

Inta badan shacabka Somaliland iyo axsaabta siyaasada ayaa si weyn u soo dhaweeyay talaabooyinkan, waxaana laga dhursugayaa bal talaabooyinka xigga ee uu Madaxweynuhu qaadi doono iyada oo Hargeisa Clubna uu hakiyay, hasayeeshee ay jiraan meelo kale oo ilaa iminka u dhiman, kuwaas oo ay ku jirto Laydhka Magaaladda Hargeysa kuwo kale.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top