Connect with us

somalilandtoday.com

Wafti Uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Oo Gaadhay Muqdisho

focus

Wafti Uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Oo Gaadhay Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Wafti sare oo ka socda dowladda Eritrea oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cusmaan Saalax ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.


Sida wararku sheegayan wafdigan Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa waxaa ka mid ah La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane Ghebreab, waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, waxaana loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, halkaasoo wada hadalo kula yeelan doonaan Madaxda dowladda.

Wafdigan heerka sare ee ka socda dowladda Eritrea ayaa la sheegay inay socdaalkooda horudhac u yihiin wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo dhowaan booqasho ku imaan doona magaalada Muqdisho.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu martiqaad u diray dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki, si la mid ah martiqaadkii uu bishii hore u soo diray.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa bishii hore bookhasho rasmi ah ku tagay dalka Eritrea, isagoo noqday Madaxweyinihii u horeeyay oo Soomaaliya booqda dalka Eritrea.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top