Connect with us

somalilandtoday.com

“Farmaajo Ayaa Hor Istaagay Baadhitaanka Weerarkii Gurigayga Lagu Qaaday…” Cabdiraxmaan Cabdishakuur

focus

“Farmaajo Ayaa Hor Istaagay Baadhitaanka Weerarkii Gurigayga Lagu Qaaday…” Cabdiraxmaan Cabdishakuur

(SLT-Muqdisho)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur warsame ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uu hor istaagay baadhitaanka weerarkii 17-kii Bishii December ee sannadkii hore lagu qaaday hoygiisa magaalada Muqdisho.

Siyaasiga oo bartiisa xidhiidhka bulshada qoraal soo dhiga ayaa waxa uu tilmaamay in weerarkaas aanay jirin cid lagula xisaabtamay, loo xidhay ama xil looga qaaday.

Waxa kale oo uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur sheegay in uu jiray dedaal uu waday wasiirka arrimaha gudaha iyo saraakiil kale oo iskood isku xilqaamay oo rabay in xal laga gaaro dhibkaas balse kaliya ay ku guuleysteen in la bixiyo diyada wiilashii ku dhintay weerarka.

Qoraalka uu arrintan uga hadlay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u dhignaa sidan “Ilaa iyo maanta dawladu baaritaan kama samayn weerarkii lagu qaaday 17 December ee sanadkii tegey hoygayga, kaa soo lagu dilay 5 will oo ciidanka Xooga Dalka ka tirsan, kabahoodana lagu xabaalay. Ma jirto cid lagala xisaabtamay, loo xiray ama xil looga qaaday falkaas. Waxaa jiray dadaal uu waday Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo saraakiil kale oo iskood isku xilqaamay oo doonayey in arrinka xal laga gaaro. Waxay ku guuleysteen in la bixiyo diyadii shanta wiil.

Hantidii la burburiyey, tii la dhacay iyo xadgudubkii kale ee loo gaystay xubnaha Xisbiga Wadajir weli dawlada garawshiyo kama bixin, lamana xalin. Waxaa la ii sheegay in Madaxweynaha uu yahay ninka howshaas hor istaagay”.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top