Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
Taariikh: 13/08/2018
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-179/082018, uu maanta ku magacaabay masuuliyiin cusub.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:
Tir |
Magaca |
Xilka |
1. |
Baashe Cawil Cumar |
Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya |
2. |
Xasan Hirad Yaasiin |
Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta |
3. |
Bashiir Sheekh Cumar Good |
Wakiilka Somaliland ee Dalka Maraykanka |
4. |
Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar) |
Ergayga Gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Urur Goboleedka Horumarinta iyo Xidhiidhka Bulshada Bariga Afrika (EAC) |
5. |
Xasan Axmed Ibraahin (Embassy) |
Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka |
Waxaan uga mahadcelinayaa muddadii uu hayey xilka Qaranka Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Maraykanka Mudane, Rashiid Maxamed Nuur (Gaaruf).
[
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland