(SLT-Ceerigaabi)-Wasiirka Arrimaha Gudaha JSl Maxamed Kaahin Axmed iyo Waftii uu hogaaminayey ee Shalay Soo Gaadhay Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag ayaa Saaka Shir La yeeshay Saraakiisha Ciidamada Kala Duwan iyo Isu duwayaasha wasaarada u jooga Gobolka Sanaag.

Shirkan oo ka Qabsoomay Xarunta Badhasaanka Gobolka Ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Waxaa ku Wehelinayey Agaasimaha Guud Ee Amniga Wasaarada Arrimaha Gudaha JSl Mukhtaar Maxamed Cali, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Boos Mire, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Xasan Gaafaadhi. Badhasaabka Bogolka Sanaag Maxamed Cismaan Caalin Tiinbaro , Hogaanka Ciidanka Birmadka JSL Cabdi Axmed Tiir, HOgaan Ku Xigeenka Wacyi Galinta Ciidamada Qaranka JSl Gurey Gabareey, Taliyaha Qaybta Ciidamada Birmadka Faysal Cabdi Bootaan, Taliyaha Qaybta Ciidama Boliska Iyo Isduwayaasha Wasaarada kala duwan.
Shirkan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii lays kugu xidhi lahaa dhamaanba laamaha Dawlada ee gobolka oo ugu sareeyo Badhasaabku isla markaana loo heli lahaa wadashaqayn .