Connect with us

somalilandtoday.com

Ururka ONLF Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay

focus

Ururka ONLF Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay

(SLT-Ururka ONLF ayaa sheegay inay ku dhowaaqeen xabbad joojin iskood ah ilaa inta heshiis rasmi ah oo lagu dhammeeyo colaada lala gaadhayo dawladda Itoobiya.

ONLF war saxaafadeed ay soo saartay ayey ku sheegtay in xabbad joojintan ay bilaabanayso maanta oo ah 12-ka Ogosto sanandka 2018-ka laga bilaabo 12-ka duhurnimo.

ONLF Waxay ugu baaqday dawladda Itoobiya inay iyada qaaddo tallaabadaasi oo kale ayna ka harto tallaabooyin boqongoyn kara hannaanka nabadeed.

Dawladda Itoobiya ayaa bishii hore ka saartay liiska argagixisada ururka ONLF iyo laba urur oo kale.

ONLF waxay soo dhowaysay tallaabooyinka niyad wanaagga leh ee dawladda Itoobiya waxayna sheegtay inay ka go’an tahay inay si nabad ah ku raadiso in lagu xalliyo colaadda gobolka.

Sannadkii 1994-kii ayaa ONLF ay dib u qaadatay hubka kadib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay ururka iyo ururka EPRDF ee ay hoggaaminayeen jabhadda TPLF.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top