Connect with us

somalilandtoday.com

Maxaa Keenay In La Hakiyo Caleemo Saarka Madaxweynaha Zimbabwe?

focus

Maxaa Keenay In La Hakiyo Caleemo Saarka Madaxweynaha Zimbabwe?

(SLT-Zimbabwe)-Munaasabadda maalinta oo Axad ah la filayay in lagu caleema saaro madaxweynaha cusub ee dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa hakad la galiyay ka dib markii ay garabka mucaaradka gudbiyeen dacwad ka dhan ah natiijada doorashada.

Hoggaamiyaha xisbiga MDC Nelson Chamisa ayaa sheegay in uu hayo caddeymo muujinaya in lagu shubtay codeynta doorashadii madaxtinnimo ee dalkaas ka dhacday 30-kii bishii July.

Xisbiggiisa ayaa ku andocooday in doorashada ay hareeyeen falal isugu jira “xatooyo iyo musuqmaasuq” hase ahaatee guddiga doorashada ayaa dhankooda ku adkeystay in doorashadu ay ahayd mid ka madax bannaan “Wax is daba marin”

Mr Mnangagwa ayay guusha ku raacday codad gaaraya 50.8% waxaana murashaxii kusoo xigay oo ah Mr Chamisa uu isaguna helay codad dhan 44.3%.

Mr Mnangagwa oo ka tirsan xisbiga Robert Mugabe ee Zanu-PF ayaa markii ay codadkiisa gaareen 50% wuxuu ka badbaaday in wareeg labaad oo doorashada ah loo sameeyo isaga iyo Mr Chamisa.

“Caleema saarku ma dhici doono wakhtigii loo qorsheeyay” ayuu yiri wasiirka caddaaladda ee waddankaas Ziyambi Ziyambi wuxuuna hadalkiisa ka dambeeyay markii ay mucaaradka Jimcihii dacwad ay ka gudbiyeen natiijada doorashada.

Dastuurka dalka Zimbabwe ayaa u ogolaanaya musharraxiinta xilka madaxweynaha inay dacwad ka gudbin karaan natiijada doorashada muddo toddobo cisho gudahood .

Maxkamadda dastuuriga ah ayaa hadda heysata 14 maalmood oo ay go’aan uga gaareyso dacwadda ay u gudbiyeen xisbiga mucaaradka ee la magac baxay dhaqdhaqaaqa dimuqraaddiga ah ee is baddal doonka(MDC)

Xisbiga ayaa ku khasban in ay caddeymo ku filan u keenaan wax is daba marinta ay sheegayaan in doorashada lagu sameeyay.

Haddii ay taas ku guuleystaan waxay markaas maxkamaddu amri doontaa in codadka dib loo tiriyo ama doorasho hor leh loo dareero.

Mr Chamisa ayaa doonaya in maxkamaddu ay si toos ah ugu dhawaaqdo in isagu uu yahay madaxweynaha ku guuleystay doorashada ama ay amar ku bixiso doorasho cusub, sida uu qareenkiisa uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Waxaan heysannaa kiis xoog badan!” ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Labo maalmood ka dib codbixinta doorashada ayaa ugu yaraan lix ruux lagu dilay isku dhacyo dhex maray ciidamada ammaanka iyo taageerayaasha xisbiga MDC kuwaasoo aaminsan in Mr Chamisa laga fara maroojistay guusha.

Waxaa jirtay rajo aad u weyn oo laga qabay in doorashada ay keeni doonto is baddal buuxa ka dib markii uu bishii Nofembar ee sannadkii lasoo dhaafay dhamaaday xukunkii Robert Mugabe oo dalka Zimbabwe ka jiray muddo 37 sano ah.

Dhanka kale xisbiga MDC ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay si arxan darro ah ula tacaaleen taageerayaashooda wixii ka dambeeyay markii uu soo baxay muranka natiijada doorashada.

Madaxweynaha cusub ayaa codsaday in lagu dadaalo nabadda islamarkaana la sameeyo baaritaanno madax bannaan oo ku aadan natiijada.

BBC

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top