Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Diiday Qorshe Wasaaradda Arrimaha Debaddu Waday .

focus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Diiday Qorshe Wasaaradda Arrimaha Debaddu Waday .

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire iyo Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Baashe Morgan, ayaa ku guull-daraystay qorshe ay ku damacsanaayeen Habeenimadii Jimcihii lasoo dhaafay inay Huteel Crown ee Magaaladda Hargaysa ugu qabtaan Munaasibad casho ah Shirkada sida fiinta bulshada Somaliland uga qaylisay oo lagu magacaabo ‘Somaliland Investment Company’.


Munaasibadaas oo Wasiir Sacad iyo Safiir Baashe Cawil ugu tallo-galeen inuu kasoo qayb-galo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, kana jeediyo hadal, ayaa baaqatay, kaddib markii uu kasoo qaybgalkeeda Madaxweynuhu ku gacan-saydhay. Munaasibadaas casho sharafta ahayd ee Wasiir Sacad Iyo Safiir Baashe wateen, ayaa lagu kala yaacay, isla markaana la baajiyey markii uu kasoo xaadiri waayey Madaxweyne Muuse Biixi, iyadoo ay diyaarsan tahay goobtii iyo cashadii loogu tallo-galay munaasibadu inay ka qabsoonto.

Ilo-wareedyo si dhow ula socday dhaqdhaqaaq arrimahaas, kana agdhow dhinacyada qorshahan wadday iyo madaxtooyada, ayaa sheegaya in Wasiirka arrimaha dibada Dr. Sacad iyo safiirku munaasibadaas u qabanaayeen laba ujeedo, kuwasoo kala ahaa, in bulshada la tuso in Shirkadooda Somaliland Investment Company, Madaxweynuhuu raalli ka yahay, soona marinta Mashaariicda Imaaraadku Somaliland siiyo, iyo sidoo kale tan labaad oo lagu sheegay inay dawlada Imaaraadka lafteeda tusaan awoodooda ay ku dhex leeyihiin Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana aanay haba-yaraatee waxba iska dhimin awoodoodii ay ku lahaayeen dawladii hore ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Lama ogga ujeedada dhabta ah ee Madaxweyne Muuse Biixi uga muquurtay munaasibadaas, hase-yeeshee, dhacdadaasi waxay muujinaysaa sida Madaxweynuhuu uga soo horjeedo in shaqsiyaad hantida qaranka jeebka ku shubtaan, maadaama oo Shirkadan lagu magacaabo ‘Somaliland Investment Company’ oo ay dalka Imaaraadka ka diiwaangeliyeen Wasiir Sacad iyo Safiir Baashe hore loola xidhiidhiyey in la doonaayo in lagu dhaco hantida Caawimada iyo mashaaricda iskugu jirta ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Somaliland ugu talo galeen.

Sidoo kale, ka muquurashada Munaasibadaas ee Madaxweynaha Somaliland, ayaa dadka arrinkan sida dhow ula socdaa ku taageeren inaanu kasoo xaaderi, maadaama oo Shirkadaas aan lagu aamini karin hantida umadda ee la sheegayo inay soo dhexmarayso, waxanay xoggaha laga helayo sheegeen in go’aankii Madaxweynuhu kaga muquurtay Munaasibadii la doonayey in lagu sawiro iyo sidoo kale go’aankii shalay uu soo saaray Madaxweyne Muuse Biixi ee u hantidii qaranka dib ugu soo celiyo gacanta Dawladda uu yahay tallaabo sax ah oo u dalka ugu tudhay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top