Connect with us

somalilandtoday.com

Lamaane Soomali Ah Oo Ka Mid Ahaansho Urur Argagaxiso Loogu Xidhay Dalka Maraykanka

focus

Lamaane Soomali Ah Oo Ka Mid Ahaansho Urur Argagaxiso Loogu Xidhay Dalka Maraykanka

(SLT-Tucom)-Lamaane asalkoodu yahay Soomali oo qaxootinimo ugu noolaa magaalada Tucson ee dalka Maraykanka ayaa xabsiga loo taxaabay iyagoo loo haysto inay ka mid yihiin ururka Al-Shabaab.

Mohamed Abdirahman Osman, 28, ayaa loo haystaa illaa siddeed dambi oo ay ka mid yihiin been abuur iyo dambiyo kale halka xaaskiisa Zeinab Abdirahman Mohamed oo 25 jir ah ay wajahayso saddex dambi.

Osman ayaa eedeymaha loo haysto waxaa ka mid ah inuu magac been ah sheegtay markii uu qaxootinimo weydiisanayay dowlada Maraykanka uuna sidoo kale waaxda socdaalka u sheegay inuu yahay Somali balse la ogaaday inuu ka yimid dalka Ethiopia.

Sidoo kale Osman ayaa loo haystaa inuu xubin ka soo noqday ururka Al-Shabaab uuna ku dhaawacmay isagoo farsameynaya waxyaalaha qarxa sanadkii 2009kii.

Hase yeeshee Osman ayaa sheegay in dhaawaca uu ka soo gaaray qarax ka dhacay magaalada Muqdisho sanadkii 2010kii.

Lammaanahan ayaa weydiistey dowlada Marykanka qaxootinimo iyagoo ku noolaa dalka Shiinaha,waana laga aqbalay codsigooda iyagoo la dejiyay magaalada Tucson.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top