Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland Oo Muqdisho U Mustaafurisay Masuul Reer Soomaaliya Ah Oo Ka Soo Degay Garoonka Hargeysa

focus

Somaliland Oo Muqdisho U Mustaafurisay Masuul Reer Soomaaliya Ah Oo Ka Soo Degay Garoonka Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Dawladda Somaliland, ayaa Shalay Magaalada Muqdisho u Mastaafurisay Masuul ka mid ahaa Dawladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo Ciidammada Amnigu qabteen markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa ee Cigaal.

Warka Ninka La MastaafuriyeyNinkan oo Magaciisu yahay Cabdicasiis Cali Ibraahim, kuna Magac-dheer Cabdicasiis Xildhibaan oo dhawaan laga Casilay Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu muddo ahaa, ayaa Shalay subax ka soo ambo-baxay Magaalada Muqdisho isagoo ku socday Magaalada Hargeysa oo uu sheegay inay ku Casuumin dadka uu sheegay inay ku sugan, ayaa markii uu ka soo degay Garoonka diyaaradaha ay qabteen Ciidammada Amnigu isla-markaana saareen diyaarad ku sii jeedday Magaalada Muqdisho, sida uu ku sheegay Qoraal uu Xalay ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Shabakadda Bulshadu ku xidhiidho ee Facebook.

Masuulkan hore oo qoraal kooban ku baahiyey Facebook, markii uu gaadhay Magaalada Muqdisho ee loo Mastaafuriyey wuxuu ku sheegay “Hargeysa lagu xidhi maayo, laakiin waanu ku Mastaafurinaynaa (Ayay yidhaahdeen) Aniguna waan ogolaaday, Nabadgalyo Hargeysa, dib ugu noqo Muqdisho.” Ayuu qoraalkiisa ku yidhi Ninka laga Mastaafuriyey garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, waxaanu intaa ku daray “Hargeysa Adigoo Soomaali ah waanu kuu diidaynaa hadal maaha.”

Ninkan Afhayeenka u ahaan jiray Wasaaradda Amniga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdicasiis Xildhibaan ayaa ka ka hor intii aanu ka soo ambo-bixin Magaalada Muqdisho wuxuu Facebook-giisa ku baahiyey qoraal u dhignaa sidan “Saaka waxaan tagayaa Garoonka Caalamiga ah ee Hargeysa ee Dhulka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka dib Marti-qaad aan ka helay Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Waqooyi-galbeed.”

Hase-ahaatee markii uu ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa waxa tallaaba ka qaaday Ciidammada Amniga, kuwaasi oo sidaanu kor u sheegnay dib ugu Mastaafuriyey Magaalada Muqdisho ee uu markii hore ka yimid.

Laamaha Amniga ee Somaliland kama hadal qabashada iyo Mastaafurinta Ninkaasi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top