Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Kenya Oo Maanta Xidhay Mas’uuliyiin Loo Haysto Musuqmaasuq + Xukuumadda Somaliland Ma Ku Dhiiran Doonta Inay Xabsiga U Taxaabto Mas’uuliyiin Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq

focus

Dawladda Kenya Oo Maanta Xidhay Mas’uuliyiin Loo Haysto Musuqmaasuq + Xukuumadda Somaliland Ma Ku Dhiiran Doonta Inay Xabsiga U Taxaabto Mas’uuliyiin Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq

(SLT-Nairobi)-Xukuumadda Kenya ayaa xabsiga u taxaabtay madaxii hay’ada maamulka dhulka Swazuri iyo madaxii hay’ada Tareenka u qaabilsan dalka kenya iyagoo loo haysto musuqmaasuq lacag gaadheysa 3 biliyan oo Dollar oo loogu tallo-galay tareenka isku xidhaya Nairobi iyo Mombasa.


Xeer ilaaliyaha guud ee dowlada Kenya Nuuradiin Maxamed Xaaji ayaa soo saaray liis ay ku qoran yihii 18 ruux oo ay ku jiro Mohamed Abdalla Swazuri iyo weliba mas’uusliyiin kale iyo ganacsato.

Nuuradiin Maxamed Xaaji Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya oo amray xadhiga madaxdan ayaa sheegay in uu diyaarinayo dacwad lagu soo oogo raggan.

Dowlada Kenya ayaa sanadkii hore waxa ay daah furtey waddo tareen oo ku baxday lacag gaareysa 3 bilyan oo dollar, hase yeeshee eedeymahan uu soo jeediyay xeer ilaaliyaha ayaan waxaan ku jirin shirkad amma dad u dhashay dalka Shiinaha.

Xeer ilaaliyaha guud ee dowlada Kenya Nuuradiin oo sannadkii hore la magacaabay ayaa waxaa uu ku soo oogay eedeymo badan mas’uuliyiin iyo ganacsato kuwaasoo loo haysto musuqmaasuq.

Haddama xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ma ku dhiiran doontaa inay xabsiga u taxaabto mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaany) oo guddiga daba-galka iyo ilaalinta hanti qaran ee golaha wakiilladu ku eedeeyay inay musuqmaasuqeen hanti qaran iyo inay lunsadeen maalaayuun doollar kuwaasi ay sheegeen inay hayaan caddayntooda.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa wakhtigii uu ololaha ku jiray waxa marar badan fagaare ka sheegay in uu la dagaalami doono musuq-maasuqa balse waxa la eegi doonaa tallaabadda uu ka qaado cid kasta oo lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo inay lunsadeen hanta dawladeed.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top