Connect with us

somalilandtoday.com

Soddoga iyo Soddoha Donal Trump oo Noqday Muwaadiniin Maraykan Ah iyo Aragtida Trump ee Ku Aadan Dadka Ajnabiga Ah.

focus

Soddoga iyo Soddoha Donal Trump oo Noqday Muwaadiniin Maraykan Ah iyo Aragtida Trump ee Ku Aadan Dadka Ajnabiga Ah.

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Donald Trump sodohdii iyo sodogii ayaa noqday muwaadiniin Maraykan ah iyaga oo loo sameeyay xaflad gaar ah.

Viktor iyo Amalija Knavs oo ah waalidka Melania oo ah xaaska Trump ayaa asal ahaan u dhashay Slovenia, dhaarta muwaadinnimada ayayna ku mareen New York Khamiistii, sida uu xaqiijiyay qareenkooda.

Wuxuu sheegay in lamaanahaasi ay Maraykanka ku joogeen sharciga degenaanshaha ee green card-ka loo yaqaanno oo ay gacan ka siisay Melania.

Trump ayaa horay u dhaliilay dadka Maraykanka ku soo gala qoysnimada.

Wuxuu ku baaqay in la sameeyo hab dadka xirfadleyaasha ah ka hormarinaya dadka qaraabada ah, wuxuuna weeraray shuruucda soo galootiga iyo dadka soo galootiga ah laftirkooda.

Melania Trump ayaa dhalashada Maraykanka qaadatay 2006dii, ka dib markii ay dalkaas ku gashay dal ku galka loo yaqaanno “dadka awoodaha qayru caadiga ah leh” iyada oo 2001dii markaas ku shaqaynaysay dadka ii dhehyada sameeya.

Sharciga socdaalka ee Maraykanku wuxuu dhigayaa in Melania waalidkeed ay haystaan sharciga daganaanshaha ugu yaraan shan sano ka hor inta aysan jinsiyad dalbanin.

Qareenkooda oo xalfadda jinsiyada kala qayb galay ayaa sheegay in ay buuxiyeen shuruuddii shanta sano ahayd, balse wuu diiday in uu saxafiyiinta siiyo faahfaahin intaas ka badan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top