Connect with us

somalilandtoday.com

Talaalka Cudurka Ebola Oo Laga Billaabayo Dalka Congo

focus

Talaalka Cudurka Ebola Oo Laga Billaabayo Dalka Congo

(SLT-Congo)-Wasaarada cafimaadka ee dalka Jamhuuriyada dmuqraadiga ee Congo ayaa sheegtay in dalakasi laga bilaabi doono talaalka cudurka Ebola.

9 qof ayaa la xaqiijiyay in cudurka Ebola ay u dhinteen tan iyo intii sida rasmiga ah loo shaaciyay 1 August in uu cudurkaasi uu mar kale ka dilaacay 7 goob oo kala duwan oo ka tirsan dalka Congo.

Guud ahaan waxaa dalkaasi laga soo sheegay 43 kiis oo laga shakisan yahay, waxaana sidoo kale baaritaan lagu sameeyay 46 kiis.

Talaalka cudurkan ayaa waxaa lagu wadaa in la bilaabo maalinta Arbacada, waxaana lagu bilaabi doonaa talaalka howl shaqaalaha cafimaadka ee iyagu ku howlan ak jawaabida cudurkan.

Waa markii 10aad oo uu cudurak Ebola ka dilaco dalka Congo tan iyo markii ugu horeysay ee uu cudurkaasi soo ifbaxo sanaddii 1976.

Sarakiisha ayaa waxay sheegeen in ka jawaabidda cudurkani ay ku gudaban yihiin caqabado ay ka mid tahay in goobaha uu ka dilaacay uu badan yahay isu socodka dadka.

Waxaa sidoo klae jirta arrimo ammaan oo caqabad ku ah in cudrkani Ebola jawaab laga bixiyo.

100 kooxood oo hubaysan ayaa ka howlgala gobolka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top