Connect with us

somalilandtoday.com

Mucaraadka Hubaysan Ee Suuriya Oo Samaystay Isbahaysi Ay Ururo Badani Ku Midoobeen

focus

Mucaraadka Hubaysan Ee Suuriya Oo Samaystay Isbahaysi Ay Ururo Badani Ku Midoobeen

(SLT-Suuriya)-Mucaaradka hubaysan ee gobolka ee wadanka Suuriya ayaa maanta oo arbaca ah ku dhawaaqay inay samaysteen isbahaysi cusub ka hor duulaanka la filayo in ciidmadda Madaxweyne Bashaar Al-asad uu ku soo qaado gobolkaas oo ah meesha ugu dambaysa ee Mucaarku gacanta ku hayaan.

Isbahaysiga oo loo bixiyay NLF waxaa ku midoogay Ururadda xooga badan ee islaamiyiinta ee kala Ahrar Al-sham iyo Nureddine Al Sinka iyo afar urur oo kale, balse waxaa ka maqan isbahaysiga kooxda ugu awood badan gobolkaasi ee xayaat Taxriir Al-shaam oo uu hoggaamiyaan madaxdii kooxdii Al-nusra ee alqaacida xiriirka la lahayd.

Mid ka mid ah ujeedooyinka loo asaasay isbahaysiga cusub ayaa ah in laga hortego isku day kasta oo Rajiimka bashaar Al-asad uu ku doonayo inuu ku qabsado Gobolkaasi oo ay ku nool yihiin 2.5 milyan (labo milyan iyo bar) qof oo ka soo barkacay degaamadda kale ee Suuriya sida uu u sheegay afhayeenka isbahaysiga Naaji Abu Hazifa wakaalada wararka ee AFP.

Gobolka ayaa wuxuu xuduud la leeyahay Dalka turkiga iyo gobolka Latakiya oo u badan yihiin qowmiyada Calanwiyiinta ah ee uu ka dhashay Madaxweynaha Suuriya. waxaa kaloo muhiim ah in xukuumadda Turkigu ay ku tilmaamtay weerar kasta oo lagu soo qaado gobolkaasi inay tahay khadka Cagaaraan oo laga soo gudbay, iyadoo laga yaabo inay jawaab ka bixiso. sidoo kale wadanka ruushka iyo Maraykanka ayaa ka soo horjeeda in weerar lagu qaado gobolkaasi.

Dagaalka Suuriya ayaa hadda wuxuu socdaa Sanadkiisii 8aad, iyadoo dadka naftooda ku waayay ay ka badan saddex boqol oo kun qof. Colaadan ayaa sababtay in wadamo badan ay lugaha la soo galaan oo ay ka mid yihiin Ruushka iyo Iiraan oo taageera Maamulka Madaxweyne Bashaar iyo Turkiga iyo wadamada reer galbeedka oo taageera Mucaraadka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top