Connect with us

somalilandtoday.com

Jaaliyada Soomaalida Ee Canaada Oo Ka Hor-yimid Go’aankii Dowladda Soomaaliya Ku Taageertay Sucuudiga

focus

Jaaliyada Soomaalida Ee Canaada Oo Ka Hor-yimid Go’aankii Dowladda Soomaaliya Ku Taageertay Sucuudiga

(SLT-Ottawa)-Soomaalida ku nool dalka Canada qaarkood ayaa si xoogan uga hor timid go’aankii dowladda Soomaaliya ay isku barbar taagtay dowladda Sacuudiga oo khilaaf dhinaca Dibloomaasiyadaha uu kala dhaxeeyo dalka Canada.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dalka Sacuudiga islamarkana ay ka soo horjeedo fara-galin mar-naba lagu sameeyo arrimaheeda gudaha.

Canada ayaa ka dalbatay dowladda Sacuudiga sii deynta haween walaalo ah oo u dhaq dhaqaaqa xaquuuqdaha aadaha kuwaa oo lagu kala magacaabo Rayf Badawi iyo Samar Badawi, taasoo siweyn uga carreysiisay Boqortooyada Sacuudiga.

Jaaliyada ayaa sheegtay in go’aankan ay qaadatay dowladda Soomaaliya uu yahay mid lagu deg degay, iyaga oo sheegay in Canada ay marti-galisay tiro badan oo Soomaali, loogana baahnaa dowladda Soomaaliya ku ixtiraamto dowladda Canada sida wanaagsan oo ay u soo dhaweysay dadka Soomaaliyeed, mar walba-na ka fiirsato go’aammada siyaasiga ee la xiriira arrimaha dibadda oo ay qaadaneyso.

Qaar badan oo ka mid ah xubnaha golaha Wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ayaa iyagu heysta dhalashada dalka Canada waxaana ka mid ah Wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad oo soo saaray go’aan-kan lagu taageeray Sacuudiga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top