Connect with us

somalilandtoday.com

Gabadh Afrika Ka Soo Jeedda Oo Markii Ugu Horreysay Xildhibaanad Ka Noqoneysa Pakistan

focus

Gabadh Afrika Ka Soo Jeedda Oo Markii Ugu Horreysay Xildhibaanad Ka Noqoneysa Pakistan

Baarlamaanka waddanka Pakistan ayaa lagu wadaa in markii ugu horeysay ay ka mid noqoto haweeney asal ahaan kasoo jeedo Afrika, taasi oo sumcad usoo hoyneysa qowmiyada tira yar saboolkana ah ee Sidi oo qarniyaal badan degganaa dalkaasi.

Tanzeela Qambrani, oo 39 jir ah ayaa xisbiga ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan Benazir Bhutto ee (PPP), waxa ay u sharaxeen kursiga loo qoondeeyay haweenka ee baarlamaanka gobolka koonfur barri.

Haweeneydan ayaa rajeyneyso kaddib doorashadii bishii lasoo dhaafay inay gacan ka geysato in laga gudbo dhaqanka qowmiyada Sidi ee ah in dumarku aysan xil qaban karin, qowmiyadaan Afrikaanka ah ayaana ku badan gobollada xeebta Makran iyo Sindh ee dalkaasi.

“Inaga oo ah qowmiyad tiro yar oo ku dhex luntay qowmiyado kale oo ka tira badan, ayaan u halgameynaa inaa ilaashano dhaqankeena iyo dhalashadeena Afrikanimo, blase waxaan sugeynaa maalinta magaca Sidi uu ixtiraam helayo, ayay tiri,” Qambrani, oo ah Afrikan asal ahaan kasoo jeeda Tanzania, sida ay BBC u sheegtay .

Qowmiyada Sidi oo u dabaaldegaysa sanad guurada Mangho PirLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionQowmiyada Sidi oo u dabaaldegaysa sanad guurada Mangho Pir

Qaar badan oo ah dadka Sidis ayaa rumeysan inay ka farcameen dadkii la adoonsan jiray oo Burtaqiisku ka keenay Afrika.

Taariikhyahannada ayaa sidoo kale sheegay in qowmiyadaan ay soo gaareen iyaga oo ah askar, ganacsato, darawalo iyo muslimiin xujey ah.

Qowimiyadan ayaa xilal sarsare soo qabatay xiligii boqortooyada Mughal balse waxaa so wajahay takoorid xiligii gumeystaha Britain.

Tiro ahaan waxa lagu qiyaasaa tobanaan kun oo qof in ay yihiin qowmiyadan.

Waxa ay sidoo kale ku nool yihiin gobollada Karnataka, Gujarat Andhra iyo Pradesh ee dalka Hindiya.

Haatan dadka Sidis ee ku nool deegaanka Lyari ee caasimada Karachi ayaa taageeraya xisbiga PPP ee uu hogaamiyo wiilka Benazir Bhutto ee Bilawal Zardari Bhutto.

Xisbiga PPP ayaa kusoo baxay kaalinta saddexaad doorashada guud ee dhawaan ka dhacday dakaasi, oo uu ku guuleystay xisbiga xiddigii hore ee kirikitka Imran Khanee PTI.

Ms Qambrani oo la sawiran Bilawal BhuttoLahaanshaha sawirkaTANZEELA QAMBRANIImage captionMs Qambrani oo la sawiran Bilawal Bhutto

Ms Qambrani, waxa ay shahaado ka heysataa cilmiga kumbuyuutarka, waana hooyo heysata saddex caruur ah.

Aabaheeda oo Abdul Bari, waxa uu ahaan jiray qareen halka hooyadeedna ay ahayd macalimad iskuul mardambena shaqada ka fariisatay.

Qoyskeeda waxa ay aad ugu dadaaleen ilaalinta asalkooda Afrikanimo, midka mid ah gabdhaha la dhashay waxa ay ku guursatay Tanzania, halka midkale oo la dhalatayna uu qabo nin u dhashay Ghana.

Sikastaba, si la mid ah dadka Sidis ee Pakistan, Tanzeela Qambrani waxa ay muddo dheer taageersaneed xisbiga PPP. Waxa ayna khibrad u leedahay arrimaha siyaasadda iyada oo soo noqotay xubin ka tirsan baarlamaan goboleed.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top