Connect with us

somalilandtoday.com

DAAWO: Sun Khatar Ah Oo Lagu Aasay Qaybo Ka Mid Ah Dekedda Berbera Iyo Caaqil Degaanka Saaxil Ah Oo Si Adag Uga Hadlay

focus

DAAWO: Sun Khatar Ah Oo Lagu Aasay Qaybo Ka Mid Ah Dekedda Berbera Iyo Caaqil Degaanka Saaxil Ah Oo Si Adag Uga Hadlay

(SLT-Berbera)-Mid ka mid ah Cuqaasha iyo waxgaradka Gobolka Saaxil oo laguna magacaabo maxamuud Siciid Muuse ayaa waxa uu ka warramay xaaladda dekedda Berbera ee xilligan isaga oo sheegay in qaybo ka mid ah dekedda Berbera lagu aasay Sun khatar ah.

Caaqilkan oo u warramay Telefishanka Star ayaa waxa uu sheegay in Sun markii hore lagu waday in dekedda la dhaafiyo ama Taraansit ku ahayd dekedda haatan lagu aasay barxad ka mida barxadaha dekedda Berbera gaar ahaan barxadda lagu magacaabo Wajaale.

Caaqilkan ayaa waxa uu ku sheegay suntan in magaceeda la yidhaahdo 6.1P islamarkaana waxa uu soo bandhigay sawirro uu ku tilmaamay in ay yihiin markii lagu aasayay goobtaasi sunta.

Suntan ayaa waxa uu ku tilmaamay in ay tahay mid ka mida kuwa adduunka ugu khatarsan islamarkaasna ay tahay mid laf jab ku ah dekedda Berbera sumcad xumana ku ah Somaliland.

Caaqilka ayaa sheegay in suntan ay ku dhex qaraxday taangiyadii ay ku jirtay islamarkaana lagu dhex aasay dekedda dhexdeeda, waxaanu tilmaamay in ay soo bandhigi doonaan caddaymo waaweyn oo muujinaya markii lagu aasayay.

Caaqilkan ayaa waxa uu arrintan ku cambaareeyay shirkadda DP World ee maamusha dekedda Magaalada Berbera.

Ugu dambayna Caaqil Maxamuud Siciid ayaa waxa uu baaq, gurmad iyo qaylo dhaan deg dega u diray hay’adaha kala duwan ee Qaranka iyo cid kasta oo arrintaas wax ka qaban karta, Halkan hoose ka DAAWO

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top