Connect with us

somalilandtoday.com

“Taliye Caare Wuxu U Tegay Puntland Oo Xaalad Dagaal Ina Dhex Taallo…” Prof. Cabdi Cali Jaamac

focus

“Taliye Caare Wuxu U Tegay Puntland Oo Xaalad Dagaal Ina Dhex Taallo…” Prof. Cabdi Cali Jaamac

Waddan Dimuqraadiyadi ka jirto, Jabhad Garawshiiyo ma leh; mana najaxayso.

Waddan doorashooyin xor ah laga qabto, oo madaxweynuhu waqti leeyahay, gar iyo daw toona noqon mayso in aad qori u soo qaadato; waxa garawshiiyo aad heli kartaa haddii aad la dagaalamayso kaligii taliye xoog meesha ku haysta oo aan ogolayn doorasho.

Waxa loo samaystay-ba dimuqradiyadda iyo is doorashada waa in laga badbaado isku dhac iyo dagaal sokeeye; maxaa yeelay xukunka waa la isku dilaa, haddii loo kala qaadan waayo si nabad ah oo dimuqraadi ah; kolayba dhaliil iyo ceeb way yeelanaysaa doorasho kastaa, taasna waa in laga tashadaa sidii loo hagaajin lahaa.

Suldaan Weber waagii uu baxay, intaa in le’eg baan qoray; waliba Taliye Caare wuxu u tegay Puntland oo xaalad dagaal ina dhex taallo; taas oo kale way ka baxsan tahay xadkii iyo xayndaabkii mucaaradada iyo tabashada; kolaybana ma najaxayso ee maxaad isu ceebayn; waayo ma jiro waaqicii saacidi lahaa; Tusaale, Itoobiya immika haddii Axmed Abey uu dhammaystiro dimuqraadiyadda iyo xorriyada uu ku bilaabay, ma sii jirayaan jabhadihii Oromada iyo Ogaden?

Cabdo; u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top