Connect with us

somalilandtoday.com

Jeegaanta miyuu ka hadlo?

Articles

Jeegaanta miyuu ka hadlo?

Jimce dhawayd, khudbaddii jimcaha waxa noo galay wadaad minbarka ku cusub oo aan in badan fuulin, haddana aan yaraysan. Waxa uu ka hadlay mawdduuc aanu aqoon durugsan u lahayn. Xuquuqda uu ninku gabadhiisa ku leeyahay ayaa uu ka khudbadaynayey, xuquuq anigu kuma sheegi karo wixii uu ka hadlayey e. Sidii oo ay dumarku addoomo la soo qabsaday ama la soo gatay oo guriga lagu xidhay yihiin ayaa uu uga hadlay, weliba aanay waxba dhaammin aalad hadba sidii la rabo laga yeelo. Waa aannu iska dhegaysannay intayadii badnayd annaga oo karaahiyeysanaynna, qaar dhegaystayaasha ka mid ahina waabay ka baxeen masaajidka kuwo kalana buuq baabay bilaabeen.

Arrinta uu wadaadku ka hadlayey iyada oo asalkeeda horaba ay tahay in dumar lagala hadlaa, masjidkana dumarba aanay joogin, ayaa uu haddana ku barriiqday oo uu meelo qaldan la aaday fahan tabanna dadka intii qaadatay ku qulaamiyey. Waa taa rag waaweyn oo jimcaysi u yimi masaajidka oo xaasas lihi iska baxay, illeen waxa uu ka hadlayo sinaba uma dhegaysan karaane. Markii uu wadaadki hadalkii dhammaystay ee aqiimkii loo joogsan rabo ayaa uu nin weyn oo intii uu hadalka waday wadaadku hiiftaamayey oocadho jiq ahaa soo booday, oo yidhi: “Waar waxani muxuu ahaa? Dumarku hadmay xoolo noqdeen? Xaggee laysku bahalaynayaa? Miyuu jeegaanta ka hadlo? iek” Ninka sidaa lihi waa nin masuul ah oo waliba dugsi waxbarasho maamule ka ah, oori iyo ubadna leh. Waxa uu u dulqaadan waayey ooridiisaa loo bahalo gelinayo iyo sida insaaniyadda ka baxsan ee la leeyahay ha kuu fasho hana kuu noqoto! Bal maxaa ka galay miyuu nala qabaa? Iyo ma caruusad baa? Ayuu kollay isweyddiiyey.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top